David Dhawan iyo wiilkiisa Varun Dhawan ayaa waxa ay a dhawaan bilaabi doona shaqada dib u samaynta filimka Coolie No.1 qaybtiisa kaaso uu hore u sameeyeen aktarada kala ah Govinda iyo Karishma Kapoor iyadoo doorka Govinda filimkan uu markan jili doono aktarka Varun Dhawan halka Sara Ali Khan iyadana loo dhiibi doono doorka atariishada Karishma Kapoor

waxaana la qorsheenaya in duubista filimkan la bilaabi doono bisha July ee soo aadan filimkan ayaa waxa uu noqon doona filimkii sadexaad kaaso ay ku midoobaan Varun Dhawan iyo Aabihiisa Director-kii hore u sameeyay Coolie No.1 ninka lagu magacaabo David Dhawan

haddaba Varun Dhawan Iyo Sara Ali Khan ayaa hore u sheegayn inuu damac ka galay inay dib u sameeyaan heeska Husn Hai Suhana taaso ah mid ka mid ah heesihii ugu caansan gudaha bollywoodka xiligii 90s waxaana heestan ay qayb ka tahay filimka Coolie no.1

laakiin waxaa ariinkan uu hadda u noqday mid xaqiiqo maadaama la helay sawiro kuwaaso muujinayaan Sara iyo Varun oo ku sugan goobta Dancega iyagoo goobtaas tababar dhanka Dancega ku siinaayay ninka looga qoobka ciyaarka Ganesh Acharya kaaso hore Dance ugu sameeyay Orginalka heeska Husn Hai Suhana gaar ahaan aktarada Govinda iyo Karishma Kapoor

Su’aasha lays weydiinaya ayaa waxa ay tahay Sara Ali Khan Iyo Varun Dhawan ma u hagar bixi doonan heeskan sidii ay ugu hagar baxayn labada jilaa ee kala ah Karishma Kapoor Iyo Govinda kuwaaso heeskan ka dhigayn mid classic ah waana hees ilaa hadda ka wada jecel yahay

iyadoo dhawaanahan Bollywoodka ay dabeecad ka dhigtayn inay dib u sameeyaan heesihii 90s kuwaaso hadda lagu gadaayo qaar ka mid ah aflaamta Bollywood-Ka taaso cadeynaysaa marxalada ay hadda Bollywoodka taagan yihiin iyo sida ay ahayd marxaladii 90s

hoos ka daawo orginalka heeskan iyo sida ay kugu madadaalinayaan Govinda iyo Karishma

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here