Waxaa nasoo gaareen warar sheegaayo in jilaaga caanka ah ee Burak Tomdogan misna qeybta ka ahaa taxanaha Kara Para Ask asigoona taxanahaas ku jilay walaalka atooraha ee Omar ayaa haatan lagu wadaa inuu qeyb ka noqon doono jilayaasha cusub ee taxanahaan lagu soo dari doono.

Burak Tomdagon ayaa ku caanbaxay doorkiisa xumaanta ahaa ee Husein Demir kaasoo uu ku jilay taxanaha Kara Para Aska asigoona ku matalaayo askari laaluush qaate ah misna laadariinta la shaqeeyo wuxuuna markasta lugaha qabtaa askari kale oo laadariinta ku daba jiro balse walalkiis kayar ah.

Sida wararka sheegayaan haatan Burak ayaa loo badinayaa inuu matali doono doorka Reyyan aabaheeda kadib markii Reyyan ay ogaato inuusan Hazar dhalin waxay raadin doontaa aabaheeda ayadoona soo ogaan doonto kaasoo aan kawarqabin in gabar loo dhalay.

Sidoo kale wararkale ayaa sheegaayo in Burak uu matali doono doorka cadowga cusub ee Caziiza leedahay balse ilaa hada majiraan wax si rasmi u cad.

Filimside kala soco xaqiiq kasta oo ku saabsan arinkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here