War Cusub: Kajol Oo Ajay Devgan La Sameen Doonto Filmka Tanaaji Lamaanihi Hore Wey Soo Laabteen!!

Ajay Devgan iyo Kajol Devgan kaliya nolosha dhabta ah lamaane kuma ahen ee sido kalena shaqada lamaane aye ku ahaayen waxayna wada sameyeen aflaam badan waana kuwa kamid ah lamaanayaasha shaashada loogu jecel yahay.

Hadaba Devgan waxuu saxiixday mashruuca weyn ee Tanaaji: The Unsung Warrior kaaso ah mashruuc taariikhi ah oo dagaal ka hadlaayo waxaanaa la sheegay in qarashaad 150 Crore ah ku kici doonto sameentiisa.

Wararka hoose ee kasoo baxaya kooxda filmkaan sameenesa ayaa la sheegay in Kajol ay atirisho ka noqon doonto filmkaan lana hogaamin doonto seygeeda Ajay waana arin kale oo mashruuca xiiso u yeeli doono.

Tanaaji waxaa dhinac ka qarash gareen doono Ajay Devgan ayadoo duubis lagu bilaawi doono bisha Sept waxaana la filaa in la daawado sanadka dambe 2019.