War cusub; Milkiilayaasha kooxda Manchester United oo sugaya dalabkii sadaxaad si kooxda uga iibiyaan Maxamed bin Salmaan.

0
578

Sida uu qoray wargeyska Mirror milkiilayaasha kooxda Manchester United qoyska reer Glazer ayaa sugayo dalabkii sadaxaad kaasoo ay ka sugayaan dhaxal sugaha boqortooyada sacuudi arabiya Macamed bin Salmaan.

Qosyka reer Glazers ayaa horay u diideen labadii dalab ee Bin Salman United kasoo gudbiyay ayadoona dalabkii ugu dambeeyay ahaa 3 Billion oo giniga isterlinka ah waxayna haatan sugayaan dalabkii sadaxaad kaasoo ay u badantahay iney aqbali doonaan sida wargeysku sheegay.

Dhanka kale wargeyska Sports Star ayaa asigana sheegay in qoyska reer Glazers diideen dalabkii labaad balse lagu wado in bin Salman uu dalabkii sadaxaad kasoo gudbin doono United isla markaana qiimaha sare u qaadi doono.

Taageerayaasha Manchester ayaa aad uga soo horjeedo siyaasada guracan ee milkiilayaasha maadaama aysan naadiga ihtimaam weyn iska saarin kaliyana ay ka fikiraan maalgashigooda waana arin taageerayaasha ka biyo diideen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here