Laba ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee filimada adduunka, Bollywood iyo Hollywood, ayaa isu diyaariyey inay soo saaraan filim cusub oo ka hadlaya sheeko jacayl oo ka dhexeeysa labada dhaqan ee India iyo Nigeria.


Waxaa sheekadan cinwaan looga dhigay ‘Namaste Wahala’ waxaa soo saare ka ah filim sameeyaha Hamisha Daryani Ahuja, oo sheeko ka dhex sameysay labada dhaqan ee hodanka ah Hindiya iyo Nigeria.

Namaste Wahala waxaa lagu sameen doonaa ingiriiska waxaana lagu tarjumi doonaa luqada Hindi iyo Nigeria.

Ahuja waxay ku nooleyd Nigeria ilaa caruurnimadeeda waxayna tiri ” khibrada aan u leeyahay ku noolaashaha wadanka ugu dadka badan qaarada Afrika waxay igu dhiirigelisay inaan sameyo filimkeegi ugu horreeyay.”

W/D Maankiz

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here