War cusub Sidharth Malhotra si uu filimkiisa cusub ee Marjaavaan u guuleysto oo qorshe cusub loo sameeyay iyo filimkaan ooba 3 maalmood Hit ku noqon karo.

0
2341

Sidharth Malhotra wuxuu Bollywoodka kusoo biiray sanadkii 2012dii kadib markuu keenay filimka Student of The Year oo ay la wadeen Ali Bhatt iyo Verun Dhawan.

Sidharth oo wayadaan flop ka bixi la’sanaa ayaa Hitkiisii ugu horeeyay raadinaayo mudo 3 sano ah asigoona filimkii ugu dambeeyay ee Hit dhameystiran ama xitaa u guuleysto uu ahaa filimka Kapoor and Sons oo 2016dii soo baxay.

Tan iyo markaas wuxuu keenay 5 filim oo dhamaantooda Box Officeka ku guul dareysteen waxayna filimadaas kala yihiin;

Baar Baar Dheko (Flop) A Genleman (Disaster) Ittefaq (Flop) Aiyaary (Disaster) iyo Jabriya Jodi (Flop).

Haatan waxaa tiyaatarada u saaran filimka Marjaavaan oo lagu qarash gareeyay qiyaas ahaan 70 crore balse si uu Hit u noqdo waxaa kooxda cajalada laga siiyay kaliya 15 crore.

Kooxda filimka iska leh ayaa kooxda cajaladaha filimkaan rabtay kaga iibisay kaliya 15 crore waxaana u sabab ah in kooxda filimka iska leh ay lacagaha ugu badan ka heleen TVyada iyo xuquuqda heesihiisa sidaas owgeed si filimka u guuleysto haatan waxay kooxda cajaladaha kaga iibiyeen kaliya 15 crore.

Tan ayaa ka dhigan in filimkaan sadaxdiisa maalmood ugu horeyso uu Hit ku noqon karo maadaama laga rabo kaliya 30 crore si uu darjada Hit dhameystiran u noqdo.

Filimka Marjaavaan ayaa shalay keenay 7 crore waxayna maanta u egtahay inuu keeni doono qiyaastii 10 crore taasoo ka dhigeyso in mudo labo maalmood uuba lacagtiisa kusoo celiyo oo uu keeno 17 crore hadii axada uu sare u kac sameeyana uu keeni karo 13 crore wuxuuna mudo sadax maalmood ku noqon karaa Hit dhameystiran maadaama uu 30 crore ku keeni karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here