War Cusub: Will Smith Wiilkisa Jaden Smith Ayaa Doonaya Inuu Bollywoodka Soo Galo!!

Will Smith wiilkisa Jagen Smith waa wiil yar oo aflaamta Hollywoodka kasoo muuqda maadama aabihisa Super Star weyn yahay sido kale wiilkana Hollywoodka si fudud ayuu ku galay.

Hadaba Jagen riyadiisa intaas kuma ekeen ee sido kale waxuu doonaya xidigaan yar inuu Hollywoodka kasoo talaabsado misane Bollywoodka yimaado.

Jagen ayaa bartiisa Twitterka qoraal dadka daafaha caalamka la yaaben soo dhigay waxuuna hadal ahaan yiri,” Waxaan doonayaa inaan aflaamta Bollywoodka kasoo muuqdo misane aan Bollywoodka galo.”

Tani waxay dhalisay in warkaan la wad wado Hollywoodka dhexdooda, hadaba waxaa hader la dhowrayaa qaabka uu kusoo gali doono wiilkaan yar Bollywoodka iyo mashruucisa uu Bollywoodka ku bilaawan doono.