War dag-dag ah; madaxweynihii hore ee wadanka Zimbabwe Robert Mugabe oo geeriyooday iyo taariikhdiisa oo kooban.

0
489

Robert Gabriel Mugabe waa madaxweynihii hore ee wadanka Zimbabwe kaasoona talada dalkaasi haayay mudo 37 sano ayaa saakay la shaaciyay inuu geeriyooday asigoo 95 jir.

Robert Mugabe ayaa dhashay 21dii Febraayo 1924tii wuxuuna wadankiisa ra’iisul wasaare ka noqday 1980kii kadibna asigoo sanadkii 1987dii noqday madaxweynaha wadankaasi wuxuuna talada hayay 37 sano.

Mugabe oo ahaa madaxweynihii labaad ee wadankaas soo maray ayaa sidoo kale ahaa ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee wadankaas balse waxaa xilka lagala wareegay inqilaab milatari sanadkii 2017dii tan iyo waqtigaasna wuxuu ahaa xabsi guri.

Robert Mugabe ayuu wuxuu caan ku ahaa inuu dadka uga qoslisiiyo oraahyo uu barihiisa bulshada soo dhigi jiray anagoona kuwii ugu caansanaa dib idin kula wadaagi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here