WAR DAG-DAG AH; Venu Madhav oo kamid ahaa shactiroolayaasha Telugu ugu waaweyn oo geeriyooday.

0
1437

Shactiroolaha caanka ee reer Telugu Venu Madhav ayaa maanta oo arbaco ah ku geeriyooday isbitaal ku yaalo magaalada Hyderabad asigoona in mudo ahba xanuunsanaa balse ugu dambeyn maanta ayuu u geeroyooday.

Jilaagaan oo 39 jir ahaa ayaa ka jiranaa beerka waxaana qorshuhu ahaa in uu maro qaliin beerka looga badalaayo  balse shalay ayuu xaalkiisa xumaaday taasoona kaliftay in qeybta xaaladaha dagdaga la dhigo balse ugu dambeyn saakay geeriyoodo.

Jilaagaan kaliya beerka kama jiraneen sidoo kalana wuxuu la dhibtoonayay cudurka sokorta, dhiikarka iyo kiliyo xanuun waxaana ku socotay howlo daaweyn ah balse ugu dambeyn maanta ayuu geeriyooday.

Jilaagaan ayaa fanka India kusoo biiray 1996dii asigoona muuqaalkiisii ugu horeeyay ku yeeshay filimka Sampradayam wuxuuna tan iyo markaas kasoo muuqday in kabadan 170 filim.

Jilayaasha caanka ee uu la shaqeeyay Venu Madhav waxaa kamid ah Mahesh Babu, Prabhas, Allu Arjun iyo Junior NTR,.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here