WAR DAG-DAH AH; Gudoomiyaha Manchester United Ed Woodward oo shir dagdag ah ugu yeeray macalinka kooxdaasi Ole Gunnar Solskjear. Maxaa soo kordhay?

0
780

Kadib markii maanta Manchester United guuldaro foolxun kala kulantay kooxda Westham waxaa soo baxay su’aalo badan oo la iska weydiinaayo xaalka kooxda iyo halka laga heysto.

Macalin Ole Gunnar Solskjear ayaa badal u noqday sanadkii hore macalinkii la ceyriyay ee Jose Mourinho wuxuuna bilowgiisa waayaha United gaaray guulo waaweyn balse markii uu kooxda joogay mudo 2 bilood ah heshiis cusubna laga saxiixay ayay wax walbo is badaleen.

United ayaa aad u dhibtootay sidoo kalana guuldarooyin isdaba joog ah la kulmeysay siiba kulamada ay martida tahay ayadoona haatan 200 maalin in kabadan aanan kulan ay marti tahay marnaba soo badinin waxaana ugu dambeysay kulan away ay ku badiso cayaartii ay PSG 1-3 uga badiyeen maarso sanadkaan.

Balse kulankii maanta ayaa waxyaabo badan banaanka keenay iyadoona dadka qaar is weydiinayeen sida ay wax u jiraan iyo hiigsiga kooxda wuxuu yahay waxaana aad loo dhaliilay qaab cayaareedkii foosha xumaa ay soo bandhigeen.

Sida wararkii ugu dambeeyay sheegayaan Ed Woodward oo maanta goob jog u ahaa kulankii Westham Manchester uga badisay 2-0 ayaa shir dag-dag ah ugu yeeray macalin Ole Gunnar Solskjear.

Sida wararku sheegayaan sababta uu Ed Woodward shirkaan Ole ugu yeeray ayaa ah inuu kawareysto dhibka kooxda heysta iyo sababaha keenay natiijo xumada kooxda soo wajahday kulamadii ugu dambeeyay.

Cidna ma saadaalin karto waxa kulankaas kasoo bixi karo balse waxay u badantahay in maamulka kooxda macalinka ka caawin doonaan in suuqa bisha janaayo uu lasoo wareego saxiixyada uu u baahanyahay ee la heli karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here