rug-cadaa Dharmendra ayaa isbuucii hore waxa uu booqday isbitaal ku yaala magaalada Mumbai gaar ahaan xaafada Khar si loogu baaro jiro ama xanuuno kale ka dib markii uu xanuunsanaa 3 maalmood ee ugu dambaysay

sida ay soo warinayso Mumbai Mirror aktarka Dharmendra waxaa lagu soo celiyay isbitaalka maalintii isniinta ka dib markii ka baaray waxaana la socday wiilkiisa Sunny Doel waana arrin keentay shaki badan maadaama dhakhaatiirta ay ku amrayn Sunny inuu aabihiisa lagu hayo isbitaalka muddo gaaban

laakiin waxaa la ogaaday Dharmedra kaliya inuu sol wajahay xanuuno yar yar kuwaaso ku kaliftay inuu u adkaysan waayo maadaama uu yahay qof weyn waxaana hadda lagu amray inuu bilaabo inuu qaato daawooyinka dhakhtarka u qoray

Dharmendra aya saxaafada u sheegay inuu dhawaan ku laaban doono gurigiisa beerta ai uu halkaas ku sameeyo soo kabsasho iyo inuu nasiino ku qaato waxaana arrintan ay niyada u dejisay taageerayaasha qoyska reer Doel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here