ma jirto la yaab ka weyn marka aad maqasho Salman inuu isaga baxay filimka Inshallah waana arrin la yaab ku noqotay Bollywoodka kaaso ay la waday atariishada Alia Bhatt halka uu Director ka yahay Sanjay Leela Bhansali waxaana la qorsheenaayay in la daawado Eid 2020

waxaa si weyn u niyad jabsan taageerayaasha Salman Khan iyo Alia Bhatt maadaama Salman Khan maalintii shalay uu shaaca ka qaaday in filimka Inshallah Eid 2020 la daawan doonin waxaana arrinkan loo fasirtay nooc sheeko oo kala duwan iyo inuu qilaaf ka dhaxeeyo Sanjay Leela iyo Salman Khan

laakiin Director Sanjay Leela Bhansali ayaa ka tashtay Salman Khan kaaso firaaqo u waayay mashruucan waxaana Sanjay hadda uu la xariiray aktarka Hrithik Roshan kaaso uu doonaayo inuj hogaamiye kaga dhigo mashruuca inshallah

iyadoo hore mashruucan loola xariiriyay aktaro badan sida Ranveer , Shah Rukh khan iyo kuwa kae lo badan laakiin Sanjay iyo Hrithik ayaa markan waxa ay u muuqdaan inay dib u midooobi doonan ka dib 8 sano iyagoo hore iskula soo shaqeeyay filimka Guzaarish sanadkii 2010

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here