shirkada Bollywoodka waxaa ay ku caan baxday lamaanayaasha kuwaaso xili walba ah Isha lagu hayo waana kuwa xili walba si weyn loo baadi goobo wararkooda iyo sawiradooda

waxaana ka mid ah lamaanayaasha hadda Bollywoodka ugu caansan kuwaaso kala ah Deepika padukone iyo Ranveer Singh kuwaaso aqal-galayn sanadkii hore ka dib 6 sano ay jaceyl isla jilaayeen sidoo lamaanayaasha labaad ee waxa ay kala yihiin Alia Bhatt iyo Ranbir Kapoor kuwaaso dhawaan ay shaaca ka qaadayn inuu ka dhaxeeyo xariir jaceyl taaso noqotay hadal-haynta ugu weyn gudaha bollywoodka

haddaba afarta lamaano ayaa hadda waxaa lagu guuleystay in hal goob laysugu keeno iyagoo afartoodaba ay kasoo muuqan doonan bandhig masraxeed ka dhici doona dalka America sanadka dambe waana markii afartoodaba marka dhamaystiraan mashruucyada ay hadda duubis ku wadaan

waxaana afartoodaba ay goobta ka qaadi doonan kuwa ka mid ah heesahooda hit ka ah waana bandhigii ugu weynaa ee lagu qabto dalka America maadama afartan ay ka mid yihiin jilaayaasha ugu awoodda badan bollywoodka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here