aktarka Salman khan ma ahan markii ugu horeesay ee dil looga hanjabo isagoona helay ama la kulmay dhawr hanjabaad taaso ah in isaga la dili doono ama la dhibaatayn doono

waxaana midaas loo sababeenaya arrintii dhacday sanadkii 1999 markii Salman khan uu si kama ah ku toogtay u gaar taaso dunida kasii dabar go’aysay waxaana Salman dhacdadaas uu ka qaatay dhibaato kaga yimaada dhanka maxkamada kaaso uu ka balan-san yahay 27 bishan iyo dadka deegaanka Jodhpur

laakiin arrinka midaas waa uu ka duwan yahay waxaana helis weyn gashay nolosha aktarkan ka dib markii baraha bulshada loo soo mariyay hanjabaas gaar ahaan barta Facebooga

waxaana qoraalada hanjaabaada lagu soo qoray Page lagu magacabo Punjab University Student Union waxaana qoraalka hanjabaada dilka ah lasoo sawirka aktarkan waxaana qoraalka u dhacaayay ” Salman waxa aad ku fakirtay inad ka weyn tahay sharciga ama inuusan wax ka qaadi karin laakiin waxaan ku balan-qaadayna inay ku dili doonan ururka Bishnoi iyo xisbiga Suopu waxaa lagu saari doona maxkamadayna Sopu “

iyadoo ururka Bishnoi ay hogaaminayaan dadka si weyn u doonayan in Salman Khan ka dilo maadaama uu ka dilay u gaarta ay sida u jecel yihiin kaaso ay qadariyaan laakiin arrintan waxaa hadda baaritaan ku wada Policwka india iyagoona baadi-goobaya shaqsiga ka dambeeya hanjaabada dilka Salman Khan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here