Madaama Hindiya haatan xaalad bandow ah ku jirto sidoo kalena tiyaatarada xiran yihiin waxaa siweyn loo daawanayaa aflaanta dhanka TV-yada ama Satellite-ka ku cusub sidaa darteed filimka weyn War ee Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff hogaamiyaal ka yihiin ayaa Blockbuster weyn dhanka TV-yada ka noqday.

Filimka War oo sanadkii hore tiyaatarada Blockbuster ka noqday sidoo kalena ahaa mashruucii lacagaha ugu badan soo xareeyay 2019 ayaa labo jeer oo kala duwan hawada lagu soo fasaxay waxaana TV-yada ka daawadeen dad sare u dhaafayaan 20-milyan oo qofood sidaas wuxuuna ku noqday Hrithik iyo Tiger mashruucooda loogu daawasho badan yahay dhanka TV-yada tiro labo jeer oo kaliya marka la xisaabiyo hawada lagu soo fasaxay.

Sidoo kale filimka Pati Patni Aur Woh ayaa isagana TV-yada HIT ka noqday kadib markii 8milyan iyo 840,000 oo qofood daawadeen fagta kowaad sidaasna wuxuu ku noqday Kartik Aaryan filimkiisa labaad dhanka Tv-yada ugu bilaabashada wanaagsan kaliya Luka Chuppi ayaa ka bilaabasho wanaagsan. Balse nasiib daro filimka Chhapaak ee Deepika Padukone hogaamiye ka tahay dhanka Tv-yada soo dhaweyn kama helin oo Flop ayuu ka noqday.

Ugu dambeyntii filimada shactirada ah ee sanadkii hore la daawaday Housefull 4 iyo Total Dhamaal ayaa TV-yada heestaan waxayna darajo ahaan gaareen All Time Blockbuster waana halkii ugu sareesay madaama qoysaska guryaha ku sugan si waali ah labadan taxane u daawanayaan. Waxayna noqdeen labada Blockbuster ee ugu weyn xiligan casriga ah dhanka TV-yada marka Bahubali 2 aan xisaabta lagu darin.

Housefull 4 waxaa ilaa iminka daawadeen 62-milyan iyo 800,000 oo qofood tiro lix jeer ah oo Tv-ga lagu soo fasaxay. Halka Total Dhamaal daawadeen 74-milyan oo qofood tiro toban jeer ah oo hawada lagu soo fasaxay. Waxayna labadan filim dhigayaan wacdaro taariikhi ah oo aan horey dhanka TV-yada looga arkin.

Housefull 4 wuxuu noqday Akshay Kumar filimkiisa tiyaatarka ganacsiga ugu badan ka sameeyo iyo filimkiisa TV-yada loogu daawaso badan yahay. Total Dhamaal wuxuu noqday Ajay Devgn filimkiisa TV-yada loogu daawasho badan yahay balse dhanka tiyaatarka filimkiisa ugu ganacsiga badan looguna daawasho badan yahay waa Tanhaji oo bilawgii sanadkan soo baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here