Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff mashruucooda WAR ayaa kudhow inuu noqdo Filimka lacagaha ugu badan kasoo xareeyo daafaha caalamka sanadkaan 2019 dhanka aflaanta Bollywoodka maadama uu 5 maalmood ku keenay lacago kudhow $7 Million dhanka suuqyada caalamka.

Ujeedkiisa ayaa ah siduu kusoo qaban lahaa labada Filim sanadkaan lacagaha ugu badan daafaha caalamka ka keenen kuwaaso kala ah Bharat ($10.7M) iyo Gully Boy ($10M) waana lasoo qaban doonaa mashaariicdan maalmaha xigaan.

Ganacsigiisa ugu wacan suuqyada caalamka waxuu ka sameeynayaa oo uu si wanaagsan kaga gadmayaa Gulf maadama 5 maalmood halkaas kaga keenay $2.75M halka US/Canada uu ka keenay $2.1M sido kale Nepal waxuu ka keenay $300K kaliyana waa 5 maalmood.

Hrithik Roshan Filimkiisa lacagaha ugu badan daafaha caalamka ka keenay waa Bang Bang ($12.75M) waana lasoo qaban rabaa hada waqti dhow waliba Bang Bang xiligiisa Pakistan xitaa waa laga daawaday.

Dhanka kale Tiger Shroff daafaha caalamka waxaa u hogaaminaayo Baaghi 2 oo ka keenay $7M balse WAR ayaaba noqonaayo Tiger iyo Hrithik filimkooda daafaha caalamka iyo gudaha India-ba lacagaha ugu badan abid ka keeno hader daafaha $7M ayuu ka keenay lacago kudhow mudo 5 maalmood ah taasi oo kadhigan 235 ilaa 240 Crore marka lacagta hindiga loo bedelo qiyaas ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here