WAR WEYN; Jose Maria Bartomeu oo albaabada dib ugu furay Pep Guardiola hadii uu kooxda Barcelona dib ugu soo laabanaayo.

0
483

Madaxweynaha kooxda Barcelona Jose Maria Bartomeu ayaa albaabada u furay macalinkoodii hore haatana ah macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola.

Macalin Pep Guardiola ayaa waayadaanba la isla dhex maraayay inuu isaga tagi doono kooxda Barcelona inkastoo uu Pep qudhiisa arinkaas beeniyay hadana waxaa lala xiriirinaayay kooxo ay kamid yihiin Bayern Munchen, Juventus iyo Barcelona.

Hadaba madaxa kooxda Barcelona ninka lagu magacaabo Jose Maria Bartomeu ayaa carabka kaga dhawaajiyay in Pep Guardiola uu markasta u furanyahay albaabada kooxda Barcelona markii horana uu asiga khiyaarkiisa u baxay hadii uu haatan go’aansado inuu dib usoo laabtana uu soo dhaweyn doono.

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo xili macalinka kooxda Barcelona haatan haayo ee Ernesto Valverde horay dhowr mar loo dhaliilay qaab maamulkiisa kooxda iyo in kooxda uu wali ku hogaaminin tartanka horyaalada yurub oo ay Barcelona ugu dambeysay sanadkii 2015tii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here