Salman Khan iyo Katrina Kaif waxay kamid yihiin lamaanayaasha shaashada loogu jecelyahay kuwaaso mudo dheer soo wada shaqeynayeen

Guud ahaan Salman iyo Katrina waxay wada sameyeen 6 film oo ay doorar dhameestiran ku lahaayen qaar kamid ah 5 film guulo taariikhi ah ayee gaareen

inkastoo ay jiraan filmo kale oo ay muuqaalo marti ahaan oga soo muuqdeen balse waxaan xisaabin doona filmada ay wada hogaamiyeen waxa ayna hadda duubis ku bilaabi doonan filimkooda todobaad

laakiin inkastoo salman khan iyo Katrina uu hore kaga dhaxeeyay xariir jaceyl waxaa soo xariirkooda soo dhex-galay oo bur-buriyay aktarka Ranbir kapoor kaaso soo jiitay Katrina kaif

Salman khan waxaa hadda ka hor xili uu xayeesiin u sameenaayay filimkiisa Bharat uu sheegay inuusan weligiisa uusan daawanin aflaamta atariishada Katrina kaif

laakiin ma ahan aflaamta ay isla sameeyeen waxaana xiligaas Salman khan wareysi ka qaadayay wariyaha caanka ah Rajeev masand kaas salman khan weydiiyay sababta ka dambeesay inuu daawan waayo aflaamta Katrina kaif

Salman khan ayaa waxa uu ku jawaab celiyay inuusan ka helin naqshada ay aflaamta kale ku jisho kuwaaso u badan qaawanaan “Katrina kaif waa atariisho fiican taaso leh hab jiliin heer sare

laakiin ma jecli daawashada aflaamteeda sababtoo kama helo kama helo dharka gaagaaban ay iyada xirato marka ay filim sameenayso

sababtoo ah aniga aflaamata ay ila samayso marna uma ogoli inay midaas samayso waana arrinta kaliya ee ii diida daawashada katrina kaif aflaamteeda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here