1-Filimka KGF cutubkiisa 2-aad ama Chapter 2 si weyn ayaa loo sugayaa kooxda mashruucan ayaana howsha dib uduubista bilaaweyn kadib markii mudo –bilood ay joogsatay sabab la xariirta caabuqa Covid-19 oo si weyn u faafay.

Waxaa la sheegay in hogaamiyaha mashruuca Yash uu hader howsha bilaaway waxayna duubista ka socotaa Bangalore waxaana la filaa in goordhow lasoo gaba gabeeyo howshiisa.

2-Superstar Surya mashruucisa xiga ee uu ku jilaayo sargaal duuliye ah misane diyaaradaha ka shaqeeyo isagoo shaqsi hore noloshiisa oga hadli doono ayaa la sheegay xiliga la daawan doono maadama Online lagu daawan doonana waxaa la shaaciyay 30-October in hawada lagu soo sii deeyn doono.

3-Megastar Chiranjeevi filimkiisa Acharya ayaa aragtida kowaad laga soo bandhigay waana filim dagaal ah oo inaba caadi aheyn aragtida ayaana u muuqata door uu kujilaayo nin shacabka u gar gaarayo filimkaan ayaa la sheegay inee Kajal Aggarwall atiriisho ka tahay waana mashruuc xiiso leh oo sanadkaan la sugaayo.

Filimkaan waxaa Director ka ah Koratala Siva waana ninkii sameeyay aflaamta Classsic-da ah ee Srimanthudu, Mirchi iyo Bharat Ane Nenu halka uu qarash gareeye ka yahay Chiranjeevi wiilkiisa Ram Charan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here