Todobaad cusub ayaa bilaawday sidaa aawged todobaadkii aan kasoo gudubnay aqbaaraad xiiso leh ayaa kasoo baxeen dhankaa iyo koonfur india xili saxiixyo waaweyn ay dhaceen xidigo caan ah ayaa mashaariic xiiso leh ku midoobayaan hoos kaga bogo wararkii udambeyeen koonfur ah:

Prabhas oo la midooway Filimsameye Om Raut:

Superstar-ka hindiya oodhan kawada dhaxeeyo Prabhas ayaa shaaca ka qaaday filimkiisa cusub ee Adipurush uu kula midoobayo Filimsameye Om Raut filimkaan ayaa la sheegay inuu noqon doono filim hindiya ku faanan si caalami ahna loo duubi doono wararka qaar ayaana sheegaya in Saif Ali Khan laadir ka noqon doono.

Superstar Vijay iyo Filimsameyaha awooda badan Ar Murugados:

Thalapathy Vijay wali lama daawan filimkiisa cusub ee Master waana diyaar howshiisa oodhan xili hore ayaa la dhameeyay balse waxuu dib ugu dhacayaa caabuqa Corona aawgiis hadaba Vijay howshiisa ayuu sii wataa waxuuna durba heshiis la gaaray Director Ar Murugados oo uu filim cusub la saxiixday sida la sheegay waana mashruuca 65-aad ee Vijay hogaamiye ka noqon doono.

Prabhas iyo Deepika seddexeeye ayee heli doonaan:

Sidaan horey u ogeyn Prabhas iyo Deepika ayaa markii ugu horeysay shaashada jaceyl ku jili doonaan ama filim wada sameeyn doonaan waana filim xiiso leh oo qarash badan ku bixi doono waxaana la qorsheynayaa in goordhow duubis lagu bilaawi doono hadaba warar xan ah ayaa sheegayaan in atiriishada koonfureed Nivetha Thomas mashruucan atiriisho labaad ka noqon doonto waxayna dhexda ka geli doontaa Prabhas iyo Deepika goordhow ayaa la filaa in doorkeeda shaaca laga qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here