Waxaan isku soo uruurinay dhamaal warbixinooyinkii ugu shidnaayeen ama ugu xiisaha badnaayeen ee todobaadkii aan soo dhaafnay laga qoray Bollywoodka inta qodob aan soo qaadanah ee News ah ayaa ah ugu loogu akhriska badnaa hoos kaga bogo:

1-Sanad Guurada Aroos DeeoVeer: lamaanaha caanka ah Ranver Singh iyo Deepika Padukone ayaa u dabaal dagayeen sanad guurada arooskooda 14 bishaan November maadama sanadkii hore arooskooda dhacay 14 Nov ilaa 15 Nov socday hadaba xogaha laga qoray aad ayaa loo akhristay lamaanahan.

2-Lata Mangeshkar Oo Isbitaal La Dhigay: heesayada ama fanaanada caanka ah Lata Mangeshkar ayaa isbitaal al dhigay isniintii aan soo dhaafnay maadama caabuuq kaga dhacau xabadka halkaas ayaana lagu daweynaayey xaalkeda waa wanaagsan yahay hader waa haweyneydii ugu codka maceed taariikh ahaan fanka hindiya soo martay.

3-Aragtiyo Xiiso Leh Oo Good Newzz Laga Soo Bandhigay: inaba caadi ma ahen kaartooyinka shactirada lahaayen ee Filimka Good Newwz laga soo bandhigay waana kuwa Kareena Kapoor iyo Kiara Advani uur leeyihiin halka Akshay Kumar iyo Diljit Dosanjh uurka dhageysanayaan ama madaxooda caloosha atiriishooyinka dul saareen 27 Dec ayaa la daawan doonaa Filimkaan.

4- Fanaanada caanka ah Katy Perry ayaa soo caga dhigatay todobaadkii tagay dalka India halkaaso ay ku qabatay bandhig faneed weyn waxaana xusid mudan xaflad weyn in loo dhigay oo guriga Karan Johar ka dhacday halkaas ayeena kula kulantay Bollywood xidigaha ugi caansan badankooda xaflad hadal heynteeda wadata ayee noqotay.

5-Salman Khan Oo Heestii Kowaad Muuqaal Ahaan Ah Dabangg 3 Kasoo Bandhigay: mudo dheer ayui Dabangg 3 heesihiisa qaab maqal ah usoo bandhigaayey xidigaan waxaana ugu wacan goos gooska Filimka oo lala soo dhaqsaday maadama December la daawanaayo waxaa fiicned in November lasoo bandhigo goos gooska balse October ayaa lasoo bandhigay.

Danta waxay keentay in heesaha marka hore maqal ahaan loo soo bandhigo marka xigtana mid mid muuqaal ahaan loo soo bandhigo waana sababta intaan dhan dadka loogu soo boojeynaayey heeso maqal ah hader muuqaalka kuwa ah ayaa bilaawdeen ilaa December laga gaarayana muuqaal ahaan ayaa loo soo bandhigi doonaa heesaha Filimkaan.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here