Wararka Xanta Ah: Irrfan Khan Iyo Sara Ali Khan Oo Sameyn Doonan Hindi Medium 2 Balse Doorka Sara Ayaa Xiiso Leh!

Hindi Medium waa film weyn oo la daawaday sanadkii 2017 sido kalena ka hadlaayey wax barashada waxaana hogaamiye ka ahaa atooraha qaab jiliinka heerka sare leh ee Irrfan Khan.

Filmkaan si lama filaan ah ayuu Hit weyn ku noqday sanadkii hore waana mashruuc guul wacan gaaray waxaana xusid mudan in Irrfan Khan filmkaan bandhiga taariikhiga ah ee uu kusoo bandhigay uu ku hantay abaal marinta Filmfare qeybta atooraha ugu wanaagsan oo uu sanadkaan ku qaatay.

Hadaba waxaa la sheegay in mashruucan qeyb labaad laga sameyn doono maadama daawadayaasha ay soo dhaweyeen sido kalena uu guul wacan gaaray.

Sido kale waxaa la sheegay in atirishada Sara Ali Khan filmkaan wax ka jili doonto doorkeda xiisaha lehan waa ayadoo filmkaan ku jili doonto Irrfan khan gabadhiisa sida wararka sheegen.

Waa arin xiiso leh in Sara oo fanka kucusub ay la shaqeyso mid kamid ah rugcadaayasha qaab jiliinka looga haray India Irrfan khan bale waxaan sugnaaba waa inta warkaan xaqiiq ka noqonaayo.