Mega Prince Varun Tej  filimkiisa Valmiki ayaa lagu kalsoon yahay berito marka tiyaatarada la saaro ganacsi wanaagsan sameyn doono madaama dadka sida hordhaca ah u daawadeen filimkan siweyn amaan balaaran ugu soo jeediyeen.

Sharwanand iyo Samantha filimkooda 96 Remake ayaa duubistiisa si xawaare leh ku socoto waxaana haatan la xaqiijiyay in 70% filimkan la duubay inta harsana dhawaan lasoo idleen doono.

Natural Star Nani filimkiisa xiga ee aan magaca loo bixinin waxaa Director ka ah Shiva Nirvana waxayna duubistiisa bilaaban doonaa bisha December ee dabyaaqada sanadkan wuxuuna Nani ku jiraa waqti wacan madaama filimkiisa Gang Leader $1m kasoo xareeyay USA Boxoffice waana filimkiisa 7-aad ee darajadan gaaro.

Filimka Venky Mama oo ay hogaamiyaal ka yihiin superstar Venkatesh iyo Naga Chaitanya ayaa dib loo dhigay daawashadiisa waxaana haatan la isla dhex maraa dhamaadka sanadkan ama bisha December gudaheeda in la daawan doono.

Xidiga laga daba dhacay Vijay Deverakond filimkiisa xiga waxaa loo bixiyay World Famous Lover waxaana Director ka ah Kranthi Madhav sidoo kalena afar atirisho ayaa ku jiraan oo kala ah Aishwarya Rajesh, Raashi Khanna, Catherine Tresa iyo Izabelle Leite

Xidiga laga daba dhacay Gopichand filimkiisa xiga Chanakya ayaa hadal heyn xoogan xambaarsan waxaana la daawan doonaa 5 October 2019 fadlan goos gooskiisa kooban hoos ka daawo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here