Waxaa soo dhamaaday sanadkii 2019 waxaana guda galnau sanad cusub oo ah 2020 hadaba dib ayaa loo milicsaday wararkii ugu waaweynaayeen shirkada Bollywoodka ka dhaceen sanadii 2019.

Waxyaaba badan ayaa la maqlay misane la arkay hadaba qaarkood waadba akhrisatene aan isla wada ogaano wararkii ugu waaweynaayeen ee laga qoray Jilayaasha Bollywoodka sanadkii tagay 2019.

Salman oo isaga baxay Filimka Inshallah:

Waxaa lagu dhawaaqay in Salman Khan iyo Alia Bhatt sameyn doonaan filimka Inshallah oo uu Director ka noqon lahaa Sanjay Leela Bhansali balse ma dhicin xitaa ciida 2020 ayaa loo qorsheyay in la daawado laakiin si lama filaan ayuu Salman isaga baxay mashruucan kadib isaga iyo Bhansali oo isfahmi waayeen dhanka kale gabi ahaanba Filimkaan meel ayaa la iska dhigay.

Zaira Wasim oo Bollywoodka ka fariisatay:

View this post on Instagram

Promotions chalu! #Dabangg3 @skfilmsofficial

A post shared by Salman Khan (@beingsalmankhan) on

Gabadhii yared ee lagu bartay Dangal waxaa u xigay Secret Superstar ilaa kii ugu dambeyay uu ahaa The Sky Is Pink, gabadhaan yar ayaa ku dhawaaqday inee gabi ahaanba ka fariisatay fanka oodhan Alle ka cabsi aawgii waxayna sheegtay inee ilaalsaneyso iimaankeeda.

Gully Boy oo u tartamay bilada Oscar-ka:

Waa mid kamid ah wararkii ugu waaweynaayen 2019 filimka Ranver Singh iyo Alia Bhatt hogaamiyaha ka ahaayen ee Gully Boy ayaa u tartamay bilada caalamiga ah ee Oscar balse wareegii kowaad ee codeynta ayuuba ku haray mashruucan waxaase reer hindiya farxad ugu filan in liiska tartamayaasha lagu soodaray.

Hrithik Roshan oo si waali ah kusoo noqday:

2 sano ayuu hawada ka maqnaa Filimkiisa u dambeyay waxuu ahaa Kaabil oo ka guul dareestay balse 2019 ayuu wacdaro dhigay iyo soo laabasho aan caadi aheyn xidigaan waxuu la yimid labo filim kala ah Super 30 iyo WAR labadaba Big Hits ayee noqdeen waliba WAR bandhigiisa taariikhiga ah waa mid aan la ilaawi doonin.

Mucjisada Uri iyo Kabir Singh:

https://www.instagram.com/p/B0KzebaBJoj/?utm_source=ig_embed

Cid ku seexatay ama kusoo kacday malaha in labadan Filim Blockbusters noqon doonaan balse wey dhacday ganacsi lama filaan ah ayee Box-office-ka ka dhigeen waa labo filim si mucjiso ah Blockbusters ku noqdeen 2019.

Akshay Kumar iyo Raiisul Wasaaraha India:

https://www.instagram.com/p/B3Y0BmoHZvN/?utm_source=ig_embed

Wareysiga sanadka ee gudaha India waxuu noqday Akshay Kumar oo fadhi la qaatay Raiisul Wasaaraha dalka India Narendra Modi waliba Akki ayaa wareysi ka qaaday dhan walba ayuuna wax ka weydiiyay marka laga reebo dhanka siyaasada waana mid kamid ah wararkii ugu xiisaha badnaayen Bollywoodka 2019.

Dhamaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here