Warbixin 10kaan filim waxaa loo sugayaa si waali ah 2020ka iyo midkasta xiliga la daawan doono + sawiro. qeybtii 2aad.

0
1225

Sanadkaan cusub ee 2020ka ayay u muuqataa in filimaan badan oo waaweyn misna Hollywood ah miiska saaranyihiin waxaana maanta idiin soo qaadan doonaa 10ka filim ee ugu waaweyn kuwaasoo sida weyn loo sugaayo isla markaasna jamaahiirta aad u xiiseynayso.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo qeybtii 2aad ee warbixintaan;

7-No Time To Die.

 No Time to Die

Waa taxanaha hirgalay ee James Bond ama Agent 700 waana qeybtiisii 24aad kaasoo uu hogaamiye ka yahay jilaaga taxanahaan ku caan baxay ee Daniel Craig waxaana qeyb kala ah jilaaga reer Mareykan balse asal ahaan kasoo jeedo wadanka Masar ee Rami Malek.

Taxanahaan ayaa sida la sheegay lagu qarash gareeyay qiyaastii 250 Million wuxuuna xambaarsanyahay miisaaniyad aad u culus asigoona la daawan doono 10da bisha April 2020ka.

Waxaa xusid mudan in qeybtaan tahay qeybtii ugu dambeysay ee uu hogaamiye ka noqdo jilaaga Daniel Craig.

6-Black Widow.

 Black Widow

Filimkaan oo laga soo bixiyay shakhsiyada Super Hero ee Marvel Comics ayaa waxaa hogaamiye ka ah isla atariishada shakhsiyadaas ee Scarlett Johansson.

Filimkaan wali lama shaacinin xogta lacagaha lagu qarash gareeyay balse waxaa la shaaciyay xiliga tiyaatarada la saari doono oo la daawan doono waana 1da bisha May 2020ka.

5-Mulan.

Image result for mulan 2020

Filimkaan ayaa lamid ah filimada Black Widow iyo Birds of Prey waana shakhsiyad filimaan horay ugu jireen oo gooni filim loogu sameeyay.

Filimkaan waxaa hogaamin doonto atariishada reer China ee Liu Yifei balse loo yaqaano Crystal Lui waxaana sidoo kale muuqaal marti ku leh jilaaga Jet Li.

Filimkaan waxaa lagu qarash gareeyay sida la sheegay lacag u dhaxeyso 290 Million ilaa 300 oo Million dolar waana lacago aad u badan asigoona miisaaniyad weyn xambaarsan waxaana lagu wadaa in tiyaatarada la saaro 27da bisha Maarso 2020ka.

La soco qeybtii 3aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here