Warbixin 10kaan filim waxaa loo sugayaa si waali ah 2020ka iyo midkasta xiliga la daawan doono + sawiro. Qeybtii 3aad.

0
2137

Sanadkaan cusub ee 2020ka ayay u muuqataa in filimaan badan oo waaweyn misna Hollywood ah miiska saaranyihiin waxaana maanta idiin soo qaadan doonaa 10ka filim ee ugu waaweyn kuwaasoo sida weyn loo sugaayo isla markaasna jamaahiirta aad u xiiseynayso.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo qeybtii 3aad ee warbixintaan;

 4-Wonder Woman 1984.

 Wonder Woman 1984

Waa filim Action Hero ah waana qeybtii labaad ee filimka Wonder Woman balse qeybtaan dib ayaa naloo celin doonaa ayadoo looga hadli doono dhacdooyin 1984tii dhacay.

Filimkaan ayaa waxaa hogaamiye ka ah atariishada Gal Gadot waxaana la daawan doonaa 5ta bisha July 2020ka walina lama shaacin miisaaniyada filimkaan ku baxday.

3-Dune.

Related image

Waa filim Khiyaali saynis ah waxaana la isugu keenay jilayaal farabadan oo ay kamid yihiin Timothee Chalamet, Oscar Isaac, Rebecca Ferguson iyo kuwa kale.

Filimkaan wali lama shaacinin miisaaniyada ku baxday balse waxaa la shaaciyay xiliga tiyaatarada la saari doono waana dhamaadka 2020ka bisha November 18deeda.

2-The King’s Man.

The King's Man

Waa filim ka hadlaayo sirdoonka UK gaar ahaan dhacdooyinkii dagaalkii koowaad ee aduunka gaar ahaan sida uu ahaa xaalka sirdoonka UK xiligaas.

Filimkaan waxaa hogaamiye ka ah Relph Fiennes waxaana la daawan doonaa 18da sebtember 2020ka.

1-Sonic The Hedgehog.

 Sonic the Hedgehog

Filimkaan waa filim Cartoon ah asigoona la daawan doono 14ta bisha Febraayo ee 2020ka wuxuuna filimkaan ku fadhiyaa miisaniyad ku dhaw 100 Million oo dolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here