Veeni Madhav waa jilaa caan ah oo sameeyay aflaam badan koonfur India una badan yihiin Filimada Telugu waxuuna caan ku yahay doorka shactirada oo aad looga helo markuu shaashada hor yimaado dadkana aad ayuu oga qosliyaa.

Xidigaan ayaa shalay ilaa xalay laga faafiyay warae sheegayaan inuu geeriyooday balse saaka subaxii xiliga India waxaan helnah war sheegaya inuu nool yahay warbixinta geeridiisana wax kama jiraan ayee noqotay.

39 jirkaani isbitaal ayaa la dhigay shalay subaxii hore maadama uu xanuunsanaa beerkana laga hayey horey ayaa dhowr jeer isbitaal la dhigay oo beerka ayuu ka bukaa waxaana qoyskiisa loo sheegay in beerka laga bedelo jilaagan si kastee ahaataba hader xaalad halis ah ayuu kujiraa isbitaal ayuuna yaala.

Balse waa nool yahay dad ayaa baraha bulshada shalah ku faafiyeen inuu geeriyooday beerka oo laga hayey aawged balse warkaas wax kama jiraan ayuu noqday qoyskiisa waxah codsadeen in la joojiyo warka been abuurka ah xaalkiisa dib ayaa laga ogaan doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here