Kobe Bryant waa cayaaryahan hore kubadda kolayga waana mid kamid ah halyeeyada ugu caansan asigoona mudadii uu garoomada ku jiray ku guuleystay koobab badan.

Kobe Bryant ayaa shalay geeriyooday kadib markii diyaarad uu saarnaa la dhacday waxaana shilka diyaaradaasi ku geeriyooda gabadhiisa curadka oo 13 jir ah iyo 9 qof oo kale.

Diyaarada oo aheyd nooca kuwa qumaatiga u kaco ayaa soo dhacday sabab aan la shaacin owgeed kadibna dab ayaa ka kacay waxaana ku geeriyooday dhamaan dadkii saarnaa oo ay ku jiraan Kobe Bryant iyo gabadhiisaba.

Arintaan ayaa shook ku noqotay dunida Sportiga gaar ahaan jamaahiirta laacibkaan uu daafaha caalamka ku lahaa wuxuuna ahaa 41 jir.

Waxaa xusid mudan in shilkaan ka badbaadeen Kobe Bryant qoyska intiisa kale maadaama aysan diyaarada saarnee.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here