Taxanaha Hercai waxaa laga soo koobi gareeyay ruwaayad ay qortay gabar dhalin yar oo la yiraahdo Hercai waana isla magaca taxanaha oo wax farqi ah uma dhaxeeyo.

Ruwaayadaan oo asalkeeda luuqada turkida ku qorneyd ayay haatan suurto gashay in loo turjumo luuqado kale sida English iyo Arabic waxaana jecleysanay in aan ayadoo Soomaali anagana idiin soo turjuno.

Ruwaayada iyo taxanaha meelo badan ayay iska shabahaan balse taxanaha waa la dheereeyay ogowna taxanaha asalkiisa ruwaayada ayaa laga soo qaatay ayadoo kooxda taxanaha ay shakhsiyaad dheeri ah taxanaha ku dareen.

Tusaale Iiliif oo kale marnaba qeyb kama ahan Ruwaayada Hercai balse waxay qeyb ka tahay taxanaha Hercai isbadalo noocaas wey jiraan balse ruwaayada ayaa marwalba asal ah.

Hadaba hadii aan nahay bahda Filimside waxaan jecleysanay inaan idinla wadaagno ruwaayadaas oo Soomaali ku qoran balse waa hadii akhristayaasha soo dhaweeyaan fikradaan misna ruwaayada ay hesho akhristayaal badan oo ku taxan.

Go’aanka idinka ayaan idiin deynay.

Mahadsanidiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here