Warbixin ku saabsan taxanaha Hercai xiliga dib u bilaaban doono sababta loo hakiyay iyo xogta aad uga baahantahay.

0
2023

Taxanaha Hercai waa taxanaha loogu jecelyahay sidoo kalana ugu xiiso badan haatan taxanayaasha laga soo daayo gudaha Somalia ayadoo taxanahaan Turkishka ah siweyn loola dhacay.

Taxanahaan oo la isugu keenay jilayaal aad u badan ayaa waxaa hogaamiye ka ah Akin Akinozu iyo Ebru Sahin wuxuuna haatan marayaa xalqadii 28aad taasoo dhawaan lasii deyn doono.

Taxanaha ayaa mudo 2 todobaad hakad galay sabab la xiriirta in lagu gudo jiro fasaxa sanadka cusub isla markaasna shaqaalaha fasaxyo kala duwan la siiyo sidoo kalana madaarista iyo goobaha waxbarashada la fasaxo waxaana fasaxyadaasi qeyb ka ah fasax la siiyo jilayaasha si ay jaanis ugu helaan qoysaskooda.

Hadaba jilyaasha taxanaha Hercai ayaa waxaa la siiyay fasax kaasoo socon doono mudo 2 todobaad waxayna howsha shaqada dib ugu soo laaban doonaan maanta oo arbaco ah ayadoona xalqada cusub ahna xalqada 28aad lasoo deyn doono 17da bishaan oo ku began jimcahaan jimcaha xiga.

Ma jiro wax ka run ah wararka sheegayaan in taxanahaan ;a joojin doono taaso badalkeeda taxanaha si habsami leh ayuu u socdaa mana hakan doono ilaa laga gaarayo bisha 6aad ee sanadkaan markaas oo lakala ogaan doono haduu Season 3 leeyahay iyo hadii gabi ahaantiisba la joojin doono.

Hadaba akhristayaasheena sharafta leh iney sidaas ula socdaan ayaan rajeyneynaa wixii su’aalo aad qabto fadlan Pagekeena Facebooga noogu reeb dag-dag ayaan kaaga soo jawaabi doonaa.

Mahadsanidiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here