Kara Sevda waa taxane Turki ah isla markaasna Romantic murug wato ah waxaana iska leh shirkada Ay Yapim asigoo xuquuqda baahintana uu lahaa TVga StarTV asigoona taxanahaan qeybtiisa koowaad (Season 1) ka koobanyahay 35 xalqo halka qeybta labaadna uu yahay 39 xalqo.

Taxanahaan ayaa markiisii ugu horeeyay TVga StarTV laga sii daayay 14tii Oktobar 2015 asigoona xalqadii ugu dambeysayna ay aheyd 21 June 2017da.

Sheekada taxanahaan waxaa qoray Olzem Yalmaz, Burcu Gorgun iyo Anil Eka halka ay Directed ka tahay gabadha looga haray sameynta taxanayaasha ee Hilal Saral.

Jilayaasha ugu madax fiiqan ee sheekada taxanaha udub dhexaadka u ah waa aktarka sheekada ku socoto Burak Ozcivit, atariishada Neslihan Atagul iyo laadarka taxanaha ee Kaan Urgancioglu.

Taxanahaan gabi ahaantiisaba waxaa lagu duubay magaalada Istanbul oo ah halka ay sheekada ka dhacday qisadana ka socoto.

Sheekada taxanaha waxay salka ku heysaa wiil faqiir ah Burak (Kemal) oo jeclaanayo gabar qoys qani ah kasoo jeedo Neslihan (Nehan) hase yeeshee Nehan waxaa jecel sidoo kale nin hantiile ah Kaan (Emir) kaasoo si uu Nehan u helo awoodiisa iyo hantidiisa ka faaideysanaayo.

Wuxuu shriqool u dhigayaa atariishada walaalkeeda si uu ugu qasbo iney asiga guursato asigoo shirqoolkiisana ku guuleysanaayo kadib markii atariishada walaalkeeda uu ka dhigo dilaa dilay gabar aan dambi laheyn

Nehan si ay walaalkeeda oo ah mid iska xanuunsan u ilaaliso isla markaasna u badbaadiso waxay balantii uga baxeysaa Kemal iyadoo guursaneyso Emir.

Kemal markuu arinta ogaado magaalada Istanbul wuu isaga tagayaa asigoona mid gobolada kamid ah shaqo u doonanayo maadaama uu jaamacada dhameeyay.

5 sano kadib Kemal oo hantiile noqday ayaa dib ugu soo laabanaayo magaalada Istanbul asigoona isla xisaabtan dhab ah bilaabayo.

Taxanahaan ayaa kamid ah kuwooda ugu fiicnaa ay abid turkida sameeyeen asigoona u tartamay abaal marino badan sidoo kalana kuwa kale ku guuleystay.

Hadaba akhristow adiga taxanaha Kara Sevda (Jaceyl indho maleh) ma daawatay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here