Taxanaha Sefirin Kizi (gabadhii safiirka) waa taxane cajiib ah kaasoo dhawaan laga sii daayay kanaalka Star TV wuxuuna taxanahaan salka ku haayaa caado dhaqameedka guurka gabdhaha bikrada asigoo sheekadiisa aad loo amaanay.

SHEEKADA TAXANAHA;

Sangaar wuxuu kasoo jeedaa qoys beeraleey ah waana shakhsi deegaanka aad looga jecelyahay wuxuu jaceyl u qaadaa gabadhii uu ilaa yaraantiisa jeclaa taasoo fasax kasta booqasho ku imaan jirtay Magaalada Moglo waxaana gabadhaas dhalay nin safiir ah una shaqeeyo dowlada Turkey.

Gabadha safiirka waxaa la yiraahdaa Naari waxayna ayadana jaceyl u qaaday Sangaar ilaa yaraanteedii ayayna jecleyd waxayna labadaan lamaane wada socdeen misna xiriir jaceyl ka dhaxeeyay ilaa ay 20 jiro ka noqdeen.

Lkn maadaama Sangaar uu kasoo jeedo qoys faqiir ah sidoo kalana Naari aabaheeda safiir yahay macquulna aysan aheyn in lasiiyo maadaama labo dabaqo kala yihiin waxay lamaanahaan go’aansanayaan iney isla cararaan misna qarsoodi isku guursadaan.

Kadib markii ay is guursadaan Saangaar wuxuu ogaanaa in Naari aysan bikro aheyn wuxuuna u qaadanaa iney khiyaano sameysay oo xiligii jaceylka wadaagayeen nin kale la seexatay balse Naari ayaa u sheegeyso in la kufsaday hase yeeshee Sangaar ma aaminaayo midaas wuxuuna leeyahay hadii run sheegeysid arinkaan maxaa marhore iigu sheegi weysay.

Naari markii qof rumeysto ay weyso ayaa halmar laweynaa waxayna iska soo tuuree buur aad u dheer.

Hadaba su’aasha waxay tahay Saangaar muxuu fali doonaa?

Naari qaab noocee ayay ku badbaadi doontaa?

Jaceylkii lamaanahaan xaguu ku dambeyn doonaa?

Macquul matahay in sanado kadib dib u midoobaan lamaanahaan?

Maxaa laga yeeli doonaa caado dhaqameedka Naari mustaqbalkeeda ku cayaaray ee ah in gabar aan Bikro aheyn waxkastoo ku dhacaba marnaba lala aqal galin?

Dhamaan su’aalahaan jawaabahooda waxaad ka heli doontaa xalqooyinka taxanahaana anagoo isla maanta idiin soo gudbin doono dhacdooyinka xalqada 1aad oo aad u xiiso badnaa.

Taxanaah ayaa wuxuu habeenkasta oo talaado soo galeyso maalin isniin ah kasoo galaa kanaalka Star TV waxaana fileynaa in dhawaan asigoo soomaali lasoo turjumi doono sidoo kalana asigoo Arabic iyo Englishba youtubka ayaad ka heli kartaan.

Hadaba warbixintaaan mida ku xigta kala soco dhacdooyinkii xalqadii 1aad oo aad u xiiso badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here