Shahrukh Khan oo filim cusub lagu arko waxaa ugu dambeysay 2018dii bishii December markii uu usoo baxay filimka guul daretstay ee Zero waxaana laga joogaa sanad iyo 1 bil tan iyo markaasna wax mashruuc cusub ma uusan saxiixin.

Boqorka Bollywoodka ayaa mudo sanad ah nasasho ka qaatay howlaha jilista filimada mana uusan saxiixin wax filim cusub midaasoo noqotay hadalheyn iyo suaal mar walba la is weydiiyo filimka cusub ee uu kasoo muuqan doono.

Hadaba Shahrukh Khan ayaa muuqaal Video uu soo dhigay bartiisa Instagramka kaasoo uu ugu dabaal dagaayay sanad guuradii 3aad ee kasoo wareegatay guushii filimkiisa Raees waxa uu si maldahan ugu sheegay in dhawaan dib u bilaabi doono mashruuciisa xiga.

Muuqaalka ayaa waxaa kasoo muuqday Shahrukh Khan oo leh; “Ma jiro howl yar ama weyn, mana jiro waajibaad kaweyn in qofka shaqada loo igamaday kasoo baxaa”.

Kadib waxaad muuqaalka ka dhex maqlee qof af hindi ku hadlaayo misna leh “Markaas waa inaad bilowdaa shaqada filim cusub waayo waxaad ka hadlee ahmiyada ay shaqada leedahay wax shaqo ahna ma heysid haatan”.

Intaas kadib Shahrukh Khan ayaa dhahaayo: “Waxay ila tahay inaan dhageystaa talada la isiinaayo” taasoo shaki badan abuurtay in iyo mashruuciisa xiga dhawaan ku dhawaaqi doono misna haatan uu horyaalo.

Sidol kale waxay xoojineysaa hadal heynta ah in laga yaabo mashruuciisa xiga inuu noqdo Raees 2 kaasoo qeybtiisii hore sanadkii 2017da ay Semi Hit noqotay laguna wado in qeyb labaad laga sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here