Waxaan goos gooskii habeen hore ku daawanay in Zahra ay war sir ah u sheegi doonto Reyyan iyo Miran balse marnaba nalama tusin waxa ay sirtaasi tahay balse waxay u badantahay sadaxdaan arimood midkood.

  1. Mida koowaad waana mida ugu macquulsan taasoo ah in Zahra ay Reyyan u sheegi doonto in Hazar uunan dhalin iyada taas badalkeedana aabaheeda uu qof kale yahay waxayna arintaan gogol xaar u noqonee in Miran iyo Reyyan loo sheego in Hazar uu dhalay Miran.
  2. Mida labaad waxay tahay in Zahra ay Miran iyo Reyyan u sheegto halmar runta taasoo ah in Miran uu yahay Hazar wiilkiisa Reyyana aysan aheyn Hazar gabadhiisa, inkastoo arinkaan aysan u badneen macquulna aheyn hadana waa wax dhici karo.
  3. Arinta sadaxaad waxay tahay in Zahra u sheegto Miran iyo Reyyan in iyada tahay qofkii ka dambeeyay beentii Miran laga sheegay oo Hazar uu bari yahay ayadana ku qasabtay arinkaas si loo ogaado in Hazar uusan marnaba dibin daabyo wadin.

Isku soo wada duubo adiga waxay u badantahay in sadaxdaas arimood midkood ay noqoto hadab akhristow adiga midee ayay kula tahay in Zahra u sheegi doonto Miran iyo Reyyan?

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here