Jilaaga taxanaha Hercai Ahmet Tansu kaasoo ku caan baxay doorarka Arda iyo Azad ee uu ku kala jilay taxanayaasha Kara Para Ask iyo Hercai ayaa si kulul uga soo hadlay dadka aan ku qanacsaneen hakinta taxanayaasha.

Tan iyo siduu usoo baxay cudurka halista ah misna dilaaga ah ee Corona-Virus waxaa jireen baaq ku aadan sidii loo hakin lahaa howlaha duubista taxanayaasha maadaama ay sabab u noqon karto in cudurkaan sii faafo misna xaalada wadanka halis galiyo.

Hase yeeshee qaar badan oo kamid ah daawadayaasha taxanayaasha ayaa dareenkooda ku aadan joojinta taxanayaasha ka hadlay waxayna ku baaqeen in aan la joojin lana sii wado duubista ayagoona leh hadii taxanayaasha la joojiyo maxaan daawan doonaa??

Balse jilaa Ahmet Tansu ayaa fariin adag usoo dhigay bartiisa Twitterka iyo Instagramka waxayna fariinta isugu jirtay canaan iyo caqli celin uu dadweynaha xaqiiqda ugu sheegaayo sidaan hoose ayayna u dhigneyd;

“Ma garanaayo waxaan ku iraahdo dadka leh hadii taxanayaasha la joojiyo maxaan daawaneynaa… Fadlan aan isla fahano in caafimaadka dadka ay wax walba ka muhiimsantahay, waayo xiliga duubista istaabasho badan iyo isdhex gal badan ayaa jiri doonto waana arin khalad ah (oo qeyb ka noqoneyso faafinta cudurkaan) marka fadlan aan is fahano” wuxuuna qoraalka kusoo qatimay Haashtaag ah #hala_joojiyo_duubista.

Runtii hadalka Ahmet waa mid munaasab ah misna danta guud iyo sida maslaxada ku jirto diirada saarayo wuxuuna canaan iyo caqli celin u yahay dadka leh yaan la joojinin duubista taxanayaasha si aan u caajisin maadaama wax kale oo la daawado aysan jirin waxayna dadkaasi ka fikireen baashaalkooda mana aysan ka fikirin danta guud.

Hadaba akhristow adiga sidee u aragtaa arintaan??
Bal fikirkaaga nala wadaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here