Megastar Amitabh Bachchan ayaa la sheegay in sedexdii maalmood ugu dambeesay xanuunsanaa kadibna la dhigay Nanavati Hospital oo ku yaalo magaalada Mumbai waxaana laga hayaa dhanka beerka sida warbaahinta Hindiya sheegtay inkastoo qoyskiisa diideen inay xanuunka halyeegaan xaqiijiyaan.

Big Bachchan oo 77-jir ah horey ayaa qayb ka mid ah beerkiisa laga jaray haatana beerkiisa ma dhameestirno sidaa darteed dhaqaatiirta aad ayay ula socdaan xaaladiisa marwalbo waxaana la sheegay xanuunka beerka inuu kusoo laabtay weliba wuxuu wadi waayay duubista barnaamijkiisa TV-yada laga daawado ee hirgalay Kaun Banega Crorepati.

Joornaalistaha ka tirsan shabakada Times Of India laguna magacaabo Amar Ujala ayaa sheegay in Amitabh 15-kii bishan la dhigay Nanavati Hospital balse markii dambe wuu ka laabtay hadalkii uu warbaahinta la wadaagay asigoo sheegay in mudane Bachchan Nanavati Hospital u tagay kaliya hubin lagu sameeyo xaaladiisa caafimaad qatarna uusan ku jirin laakiin waxaa loo arkay cadaadis joornaalistahan dhanka qoyska Bachchan kaga yimid madaama warbixin aysan xaqiijinin uu baahiyay.

Big Bachchan si uu taageerayaashiisa u dajiyo wuxuu baraha bulshada soo dhigay sawir isaga iyo xaaskiisa madaama Khamiistii ahayd maalinta hablaha Hinduuga nimankooda cimri dheeri u tuugaan oo ay soomaan ama raashiinka iyo biyaha iska joojiyaan inta bisha laga arkaayo habeenkii wuxuuna qasadkooda yahay inay nimankooda cimri dheeri u tuugaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here