Home » Box Office » Warbixino ku saabsan filimada dhawaan la daawan doono iyo kuwa shaqada ka socoto

Warbixino ku saabsan filimada dhawaan la daawan doono iyo kuwa shaqada ka socoto

Shabakada Filimside waa shabakada kowaad ee soo gudbiso aqbaaraadka aflaanta caalamiga ah una taagan inay haqabtirto dhamaan inta afka Soomaaliga ku hadasho.

Hadaba waxaan idiin heynaa warbixino ku saabsan filimada dhawaan la daawan doono iyo kuwa haatan shaqada laga haayo ee aqbaaraadkii ugu dambeeyay laga soo gudbiyay si kooban:

Fukrey Returns wuxuu u muuqdaa filim diyaarsan oo guuleesan karo madaama hadal heyntiisa maalin walbo sare usoo kaceyso sidoo kalena qaabka xayeysiinta loogu sameenayo ayaa ah hab soo jiidatay dadka arimaha ganacsiga ka faaloodaan waxaana tiyaatarada la saari doonaa Jimcadaan nagu soo fool leh.

Filimka weyn Padmavati weli waqti looma yeelin xiliga la daawado doono, waxaana la hubin in xitaa Janaayo 2018 madaama aan la horgeynin gudiga filimada faaf reebaan!

Filimka Mukkabaaz  oo ay wada jilayaan Vineet Kumar Singh, Zoya Hussain, Ravi Kishan iyo Jimmy Shergill sidoo kalena Anurag Kashyapp Director ka yahay halka Anand L. Rai uu maal galinaayo ayaa shaaca laga qaaday in la daawan doono 12 Jan 2018.

Director Vikram Bhatt filimkiisa 1921 oo ah filim cabsi badan ayaa la xaqiijiyay in la daawan doono 12 Jan 2018 waxaana hogaamiyaal ka ah Zareen Khan  iyo Karan Kundra.

Arjun Kapoor iyo Parineeti Chopra ayaa si rasmi ah usoo gaba gabeeyeen jadwalka kowaad filimkooda Sandeep Aur Pinky Faraar waxayna ka socotay magaalada Delhi, jadwalka labaad ayay bilaabi doonaan madaama filimkaan la daawan doono 3 Aug 2018.

Bobby Deol iyo Kriti Kharbanda ayaa filimkooda Yamla Pagla Deewana Phir Se ku duubayaan magaalada Amritsar ee gobolka Punjab ka tirsan.

Waxaana filimka YPD3 la daawan doonaa 2 April 2018 sida la qorsheeyay sidoo kalena Dharmendra iyo Sunny Deol ayaa hogaamiyaasha mashruucaan ka mid ah ayadoo duubistiisa magaalada Hyderabad ka bilaabatay bishii August ee sanadkaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *