Warbixino ku saabsan filimada dhawaan la daawan doono iyo kuwa shaqada laga haayo

Waa maqaal xiiso badan oo aan todobaadkii hal mar idinla wadaagno kuna soo qaadano warbixino u gaar ah aflaanta tiyaatarada saaran, kuwa dhawaan la daawan doono iyo kuwa shaqada laga haayo ee duubistooda socoto:

Bollywood markale Jimcadaan (19 Jan) tiyaatarada ayay ku dagaalami doonaan madaama 6-filim la isla saari doono waxayna dhamaantooda ka siman yhiin inaan wax ganacsi buuran laga sugeyn.

Aflaantan kala ah  NirdoshVodka DiariesMy Birthday SongMedal, Hamara Tiranga kaliya waxay heestaan 6-maalmood waayo Khamiista dambe ama 25-ka bishan filimada Padmaavat iyo Padman ayaa masraxa la wareegi doonaan.

Superstar Ajay Devgn wuxuu heli doonaa filimkiisa Raid todobaad firaaqo ah ayadoo la qorsheenayo in filimkaan la daawado 16 Maarso 2018 mana jirto filim kale oo lala saari doono.

Labadii filimka Rangoon isla jileen Saif Ali Khan iyo Kangana Ranaut ayaa tiyaatarada ku wada dagaalami doonaan 27 April 2018 Saif wuxuu wataa filimka Bazaar halka Kangana u diyaarsan filimka boqorada ay ku jileyso  Manikarnika – The Queen of Jhansi.

Xagaagan waa xagaaga reer Kapoor (Anil Kapoor iyo caruurtiisa) madaama todobaadyo isku xig xigaan aflaan kala duwan tiyaatarada loo saari doono Harshvardhan Kapoor filimkiisa [Director Vikramaditya Motwane iska leeyahay 25 May ayaa la daawanayaa], Sonam Kapoor filimkeeda [Veere Ki Wedding 1 June ayaa la daawanayaa] iyo Anil Kapoor filimadiisa [Race 3 iyo Fanne Khan oo la daawan doono 15 June].

Bollywood-ka waxay haatan ahmiyad weyn siinayaan sii doorashada xiliyada feestada ah in aflaantooda la daawado waxaana maalmo ka hor lagu dhawaaqay in Krrissh 4 la daawan doono 25 Dec 2020, sidoo kale xiligaasa Zero ayaa 21 Dec 2018 la daawan doonaa laakiin Christmas 2019 waa banaan tahay oo weli cidna ma dooran inkastoo lagu doodayo in Salman Khan filimkiisa Dabangg 3 xiligaas la daawan doono.

Parineeti Chopra wey soo laabatay kadib markii Golmaal Again uu Blockbuster weyn noqday xidigtaan waxay soo wadaa sedex mashruuc oo xiiso leh: Akshay Kumar filimka ay la jileyso Kesari (10 Mar 2019) iyo labo filim oo ay Arjun Kapoor la jileyso Sandeep aur Pinky Faraar (4 Aug 2018) iyo Namastey England (7 Dec 2018).

Dhamaad,

Waad Ku Mahad santahay Aqriskaaga