Waxaan wada ognahay atirishada caanka ah ee laga dambeyn jiray Divya Bharti inay sanadii 1993 geeriyootay kadib markii ay dabaq kasoo dhacday lamana yaqaan cidda ka dambeesay dilkeeda iyo inay iyada iskeeda dabaq kaga soo dhacday xili habeen waqti dambe ah waxayna xiligaas Divya marwadiisa ahayd filim soo saaraha caanka ah Sajid Nadiadwala.

Haddaba Warda Nadiadwala oo ah marwada haatan u dhaxdo Sajid Nadiadwala sidoo kalena shirkadiisa Nadiadwala Grandson maamusho ayaa ka dhawaajisay in weli qoyskaan xasuustaan Divya Bharti sidoo kalena sanad walbo xusaan marka la gaaro waqtiga ay geeriyootay.

Warda waxay tiri “5-bishan April ayay ahayd markii aan xusnay geeridii Divya Bharti weli waa qof xasuusteena qayb ka ah qoys ahaana naga mid ah weliba caruurteyda eedadood marwalbo ayaan kaga sheekeynaa hormarkii an fanka Hindiya ka gaartay iyo sida looga dambeyn jiray bilawgii 90-maadkii.”

Sidoo kale Warda waxay sheegtay in Divya hooyadeed, aabaheed iyo walaalkeed Kunal aad isaga war qabaan sidoo kalena seygeeda Sajid Nadiadwala qoyska Divya xariiriyo waqti walbana uu garab taagan yahay madaama uu wiilkooda yahay aadna u jecel yihiin iyagana madaama xushmad balaaran marwalbo u muujiyo.

Ugu dambeyntii Warda Nadiadwala waxay sheegtay in nolosheeda iyo middii Divya kala duwan yihiin sidoo kalena Sajid uusan iyada u guursanin inay booska Divya u gasho waxayna tiri “Aniga Sajid iima uusan guursanin inaan booskii Divya u galo qof walbo noloshiisa iyo dhaqankiisa waa gaar xasuusta Divya waa mid nagu qaali ah laakiin aniga booskeeda ma buuxin karo ee waxaan ahay marwo Sajid jecel yahay anigana jeclehay sidoo kalena nolosha isku fahansan. Waana jecelnahay Divya waana qof xasuus ahaan nolosheena qayb ka ahaan doonto.”

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here