Wareysigan wuxuu ahaa 21 December xili hogaamiyaasha Filimka Good Newwz ee kala ah Akshay Kumar, Kareena Kapoor, Kiara Advani & Diljit Dosanjh kawada qeyb galeen barnaamijka The Kapil Sharma Show ee Tv-yada kabaxa.

Wax badan ayuu shactiroole Kapil halkaas ku weydiiyay xidigahan noloshooda gaarkooda kusaabsan iyo shaqadoodaba waana xili ay Good Newwz xayeysiin u sameynayeen hadaba hood kaga bogo Kapil Sharma suaalihii xiisaha lahaa uu mid mid u weydiiyay iyo jawaabaha ay ka bixiyeen:

Kapil Sharma oo Kareena Kapoor wareysanaayo:

Kapil: Kareena barnaamijkeyga markuu 100 xalqo dhameesto kaliya miyaa kasoo qeyb galee hada kahor markaa Singham Returns xayeysiin u sameyneysay adiga iyo Ajay ayaa ka qeyb gasheen wuxuuna ahaa xalqadiisa 100-aad maantana waa xalqadiisa 100-aad adoo Good Newwz xayeysiin u sameynaayo marka 100 le maa sugee?

Kareena: waa heer sare nasiibka ayaana kuso aaday ee aniga ugu ma tallo galin.

Akshay kumar: Bebo lama shaqeyso xitaa Filimsameye aan 100 Crore Filimadiisa gaarin marka tirada 100 nasiib ayee u aragtaa (kadib dadka dhan wey wada qosleen).

Kapil Sharma: waxaan kuweydiina Kareena markuu Saif Ali Khan 100 Filim sameeyay kadib miyaa guursatay mise kahor ayaa ka aqbashay arooska?

Kareena: Saif wali ma uusan sameynin 100 Filim sidee wax uwadaa ilaa maantadan 100 Filim ma gaarin filimaduu sameeyay oodhan.

Kapil: waxaan maqalnay awoowga Raj Kapoor inuu aad ujeclaa cunista cambaha (Mangoes) qol gaar ahna uu ku keydsan jiray cambaha iyo qudaarta kale marka adiga gabadhi awoowga u yahay ayaa ahede miyuu ku ogolaan jiray qolkaas inaa gasho?

Kareena: sida guud qolka cidna magalo jirin dhamaanteena wuu naga ilaalin jiray balse Karisma ayuu aad ujeclaa isaga marke weydiisatana wuu siin jiray cambaha anagana waan ka faaideysan jirnay markaas ayaa ka xadi jirnay ileen xiliyada kale wuu xiraa qolka marwalba.

Kapil: waxaan maqalnay in Taimur qofkii la kulmaayo aadan u ogolaanin islamarkaas, tusaale qofkii la kulmaayo todobaad kahor inuu so codsado ama warqad ogolaansho ah uuwato ileen Taimur hader sida atoore oo kale ayuu caan u noqday waardiye qaas ahna waad u sameysay sheekadaas maxaa kajira?

Kareena oo yaaban waxay tiri: waa wax kama jiraan waana sheeko xan ah qofkii Taimur la kulmo kama celiyo hadaan la jiro Sawiro Selfie na wuu la galaa wuuna la kulmaa si xor ah.

Kapil: ugu dambeyn Bebo waxaan maqalnay Bollywoodka inuu leeyahay kooxda xanta oo adna aad madax u tahay ma runbaa sheekadaas waliba Karan Johar ayaa sirtaas inoo sheegay waxuu yiri,”hadii aan Bollywoodka ka dhex dooran lahaa wasiirka xanta waxaan udooran lahaa Kareena Kapoor.”

“Sababto ah waa qofka ugu xanta badan iyo qofka ugu xog ogaalka badan dhaq dhaqaaqa jilayaasha subaxii marke soo kacdo 10 qof oo kale ayee wacdaa oo Groupka xanta kamid ah wixii so kordhay ayee weydisa markii wax cusub loo sheegana aniga Karan ah ayee iso wacdaa oo ay idhahdaa sheekadaas run miyaa ana waan ukala sharaxaa.”

Marka Karan sidaas ayuu inoo sheegay ee run miyaa Bebo?

Kareena oo afka heysata misane yaaban ayaa tiri,”dhab ahaan waa xog khaldan (dadkii meesha joogay oodhan halmar ayee wada qosleen) ma aqaan qarash gareyaheena Karan waxuu sheekadan ku keenay balse sidu sheegay ma ahan xaqiiqda.

Akshay kumar ayaa soo booday oo yiri”laakiin aniga Karan waan ku raacsanahay fikirkaas oo xaqiiq waaye sheekaduu sheegay” Kareena iyo dadkii oodhan wey wada qosleen wixii markaa ka dambeyay.

Lasoco qeybta labaad Akshay Kumar suaalihii xiisaha lahaa laweydiiyay iyo suaalaha ugu shactirada badnaa barnaamijkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here