Telugi Stylish Star Aka Allu Arjun ayaa wareysi xiiso leh siiyay shabakada Filimfare hadaba wareysigaas xiisaha leh ayaan idin soo diyaarinay waxuuna ka hadlay arimo dhowr ah sida noloshiisa gaar ah iyo shaqadiisa fanka hindiya.

Allu Arjun oo 2003 noqday atoore Filim hogaamiya wixii markaa ka dambeeyayna ku caan baxay doorkiisa Bunny ilaa maanta Superstar weyn uu ka noqday fadlan hoos kaga bovo wareysiga laga qaaday iyo suaalaha xiisaha leh la weydiiyay:

Markaan aragnay guulahaada xiriirka ah waqtigaan waxaa muuqata inaad heshay sirta Filimka Blockbuster ku noqdo ee maxaa kajira arinkaa?

Allu Arjun: jilaa dunidan ku nool oo garanayaa sirta Filim Blockbuster kunoqdo majiro qof walba nasiibkiisa iyo aragtidiisa ayuu raaca marna waa guulesta marna waa guuldaresta aniga ahaan waxaan aaminsanahay qofka niyadiisa inuu raaco naftiisana ku kalsoonaado hubaal ahaan euu guuleysana ugu dambeyn

. Inaa atoore noqoto miyaa riyadaada ahed markii hore maadama qoys fanka katirsan aad kasoo jeedo?

Allu Arjun: markii hore waxaan rabay inaan noqdo qof ku xeel dheer jarjarista muuqalada iyo sawirada balse marba hadaa ka dhalatay qoys jilayaal ah adna jilaa unbaa noqon ugu dambeyn.

Jilayaasha aad qaraabada tihiin majiraa mid aad loolan kala kulanto ama ku tartantaan fanka?

Allu Arjun: jilayaasha banaanka haa tartan iyo loolan waa naga dhaxeya balse kuwa gudaha ee qaraabadaha ah aniga ahaan waxaan u arkaa uun inaan nafteyda la tartamaayo.

Taageerayaal badan ayaad Bollywoodka ku leedahay ee ma qorsheyneysaa inaad Filimo Bollywood sameyso mustaqbalka dhow?

Allu Arjun: Haa, qorshayaalkeeyga mustaqbalka dhow ayuu kamid yahay inkastoo luuqad ahaan lagu kala duwan yahay hadana waxaan la xaqiri karin daqliga Tv-yada Bollywoodka aflaamteena kasoo galaan, aniga ahaan Bollywoodka waan soo gali doonaa haddii aan helo Filimsameye wanaagsan oo aan la shaqeyo iyo sheekada Filimka oo iqanciso haa wey jiraan dhowr jeer la iiso bandhigay dalabyo Bollywood ah laakiin dhamaan ina qancin hadase sida ugu dhaqsiyaha badan waan ku dhaqaaqi doona aqbalida aflaam Bollywood sameeyntooda.

Taageerayaashaada qaarkood xuduud walba ayee talaaban si ay sawir Selfie kuula galaan maxaa dareenta markaas ookale?

Allu Arjun: anigaba sidaas ayaan sameeyn jiray marka lama yaabaayo dhab ahaantii hadaa jilayaal nahay sidaas qalbigena ayaa ku qabooba markaan aragno taageerayaal sidaas inoo jecel, waxaanba jibaarnaa shaqadeena habeen iyo maalin iyaga dartooda aan u heyno adiga ficilkooda waali waad ku tilmaami kartaa laakin aniga jaceyl ayuu iiyahay oo dhankooda aan ka helaayo.

Majirtaa xili aad la kulantay taageerayaasha kuwa sida waalida kuu jecel?

Allu Arjun: dhowaan ayee ahed markii taageerayaal dhanka Barri iiga imaadeen si ay ii arkaan mudo labo maalmood ayee isugayeen waliba aqalkeyga hortiisa si ay ii arkaan sawiro Selfie iila galaan waan casuumay waxayna ii keenen sawiradeyda kaartooyin ah iyo cajalado badan oo filimadeyda ah waxay iisheegen inee aflaamteyda daawadaan ayagoon waliba luuqada Telugu fahamki karin run ahaantii dareenkooda taageerinimo markaan arkay waan qiirooday.

Taageerayaashaada mala falgashaa inta badan?

Allu Arjun: haddaa reer koonfur nahay dhamaanteena midaas waan ka simanahay sifiican ayaa ula falgalnaa xili walba ama baraha bulshada ama hadii aan magaalada ku aragno waqti ayaa la qaadana aniga ma xisaabin karo inta jeer aan taageerayaasheyda magaalka kula kulmay misane la fadhiistay sida dad caadi oo saaxiibo ookale ah.

Sidee ula macaamishaa gabdhaha sida waalida ah kuu jecel wax saameyn ahna maku leeyihiin qoyskaada?

Allu Arjun: maya saameeyn kuma lahan sababto ah wey ogyihiin inaan xaasle ahay misane caruur ii joogaan waxaana aaminsanahay in aysan wax dhib ah ka abuureynkn qoyskeyga (kadib wuu qoslay) xaaskeyga (Sneha Reddy) waa qof ad adag waxay idhahdaa marwalba gabdha kugu waalan guriga keen haku bartaan ha ogaadaan noloshaada waxaan hubaa inee mardambe taageero kuu noqon doonin.

Adiga qof Romantic ah miyaa tahay?

Allu Arjun: Haa, sharaxaada suaashasna xaaskeyga ayaa ku fiicned, dhowaan waxaan qorsheeyay inaan qoyskeyga dalxiis uwado balse shaqo lama filaan ayaa iisoo baxday waxaanaha idinka dalxiiska iskasii aada aniga idinka daba imaanaayo waxaan gadaak ka ogaaday in shaqada dib loo dhigay kadib ayaa si lama filaan ah goobtii dalxiiska ku tagay kadis ayaana oga dhigay qoyska ilaa hadda ma ilaawin farxade muujiyeen maalinkaas.

Markaa Filim saxiixaneyso caruurtaada masoo xusuusata si hadhow dambe wax saameeyn ugu yeelanin markee shaashada kaa daawanayaan?

Allu Arjun: Marwalba masuuliyadaas waan ka taxaddiraa doorka aan sameynaayo iyo Filimka aan sameynaayo waan iska fiiriya wax walbo qoyskeyga dhib u keenaayo waan iska fogeeyaa mida kale caruurteyda talaabo walba waan la socodsiiya markaa Filimka duubaayo.

Waxaa tahay Superstar weyn aalada baraha bulshada aad ugu jeceshahay inaa taageerayaashada kula falgasho nala wadaag?

Allu Arjun: aniga reero Tiktok ma ahi balse Instagram-ka ayaa aad u jeclahay oo inta badan taageerayaasha waqti kuka qaataa mana dhex galo muranka ka dhex dhaco shirkada Filimada.

Waxaad ku guuleysataya 5-jeer abaal marinta Filimfare qiimo weyn aktaada maka joogaan abaal marinadaas?

Allu Arjun: atoore walba ayaa jecel abaal marinta Filimfare inuu ku guuleysto ama ha isdiidsiiyaan ama hasoo bandhigaan rabitaankooda balse waa xaqiiq in laga wada siman yahay jaceylka abaal marintaas aniga ma qiyaasi karo dareenkeyga suu noqday markii ugu horeysay ee Filimfare la igu gudoonsiiyay Filimkii Parugu kadibna Vedam ayaa ii xigay laakiin waxaan jeclaa Race Gulam inaan ku qaato sido kale waan ku farxaa jilayaasha kale markee ku guuleystaan balse daacad hadaa uhadlo marwalba inaan aniga ku guuleysto ayaa jeclahay sababto ah waxaan aaminsanahay inuusan jirin qof iga mudan (kadiban wuu qoslay).

Waa kee atooraha aad ku dayato misane aad u tixgaliso inaad heerkiisa oo kale mustaqbalka gaarto?

Allu Arjun: wey adagtahay atoore inuu xidignino iyo awood Star Power ah inuu wada helo aniga waligey waxaan ku riyoon jiray inaan gaaro maqaamka mudane Amitabh Bachchan oo kale waxaan aaminsanahay jilaa walba oo fanka hindiya katirsan jiilkuu doone ha ahaado inuu ku hamiyo maqaamka Big B oo kale laakiin suurtogalnimadeeda wey adagtahay bal ufiirso Big B 80 sabo ayuu kudhowyahay walina waasoo taaganyahay jilaa walba ayuu tusaale u yahay.

Dhamaad..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here