Atiriishada caanka ah Kangana Ranaut ayaa ka qeyb gashay barnaamijka The Kapil Sharma Show ee Tv-yada sida tooska ah looga daawado wareysiyo uu shactiroole Kapil goobta kaga qaaday labo jeer ah ayaa soo koobnay misane hal wareysi kasoo dhignay.

Mid waa markee xayeysiin u sameyneysay Filimkeeda Judgemental Hai Kya October 2019 midka kalena waa bishaan Janaayo xili ay Panga xayeysiin u sameyneysay hadaba hoos kaga bogo Ranaut suaalihii xiisaha lahaa ee la weydiiyay.

Kapil: maxay tahay sababta aad ku diiday isticmaalka baraha bulshada anagoo og in maanta jilayaasha badankooda Social Media isticmaalaan si taageerayaashooda ula falgalaan?

Kangana: sababo badan aawged ayaa kudiiday, tusaale baraha bulshada waa meel buuq badan qof walba ayaa suaal kuweydinaya waana qasab taageerayaashada ina ujawaabto ana fursad uma haayo intaas dad ina u jawaabo mida kale aniga badana waxaan ahay qof muran dhexda ka gasha mana rabo dad inaa isku dhacno oo muran Social Media nagu dhexmaro waana mashquul badanahay maba la tirin karo sababaha.

Kapil: hadii aad noqon laheed Raiisul wasaaraha Bollywood-ka yaa ka dhigi laheed wasiiradan xil ahaana ukala magacaabi lahed kuwaaso kala ah Wasiirka war faafiinta, wasiirka caafimaadka, wasiirka arimaha gudaha, wasiirka maaliyada iyo dhaqaalaha & wasiirka difaaca iyo gaashaandhiga?

Kangana: ugu horeyn wasiirka war-faafinta waxaan udooran lahaa Mr.Karan Johar waayo isaga sheegay inuu ka helo hada kahor xilkaas sido kale barnaamijkiisa Koffe With Karan xan ayaa lagu faafiya inta badan suaalihiisana ufiirso waa kuwa kala warqaad u badan marka xilkaas qof kaga wacan malahan isaga.

Wasiirka caafimaadka Akshay Kumar ayaa kadhigi lahaa sababto ah waa 52 jir hadana wax balwad ah sida qamri iyo sigaar midna ma cabo habeenkii xili hore ayuu seexdaa subaxiina dhulka oo mugdi ah ayuu jimicsi ukalahaa si uu jirkiisa caafimaad ahaan kaga fikiro hadana waa qof shaqo badan marka kuma jiro Akki qof kaga wacan ku dadaalista caafimadka Bollywoodka isaga ayaana ugu mudan xilkaas.

Wasiirka arimaha gudaha Kareena Kapoor ayaa udooran lahaa waayo waa hooyo, xaas hadana atiriisho ah waa atirishada kaliya ee ilaa hada Filimada hogaamiso hadana reer leh oo awood u yeelatay inee labada dhinac isku wado markaa xilkaas iyadaa mudan in badan.

Wasiirka dhaqaalaha iyo maaliyada waxaan u dooran lahaa Shah Rukh Khan waa jilaa kamid ah jilayaasha taajiriinta dunida waana shaqsi si fudud lacag ku sameyn kara maskaxdiisa caadi ma ahan xitaa hadii uu Filimada joojiyo SRK waligiis midka ugu dhaqaalaha badan ayuu ahaana waayo wadooyin badan uu lacag kusoo saaro sanadkii ayaa jiraan.

Wasiirka difaaca Ranbir Kapoor ayaa udooran lahaa sababto ah waxuu kasoo jeeda qoyska ugu awooda badan maqaam ahaan fanka hindiya sido kale Ranbir waligey ma arkin isagoo hadal isku difaaci waayey ama muran iska leexin waayey waa qof aan hadal badneen hadana aan laga hoos bixin karin dhanka awoodna qoys ahaan looma dhowaan karo.

Kapil: Markii kuugu naxdin badneed intaa Filim duubeysay ma ino sheegi kartaa Kangana?

Kangana: Haa, intaa duubaayey Manikarnika ayee igu dhacday Director-ka ayaa inoo kaxeeyay duurka Chambal ladhaho markaa meesha tagnay ayuu igu dhahay meeshaan Gangsters iyo Maafiyo ayaa ka buuxaan kooxda Filimka ine cabsato ayaa ka baqaa waayo halkaan Filim laguma duubo waa Area halis badan markaas ayaa kudhahay mudane maxaa halkaan iikeentay hade saas tahay anoo cabsanaayo ayaa sida kudhahay.

Waxuu idhahay,”sababto ah inaad ad adagtahay oo geesi tahay ayaa ogaa” balse markaa soobaxnay oo aan baabuurta soo raacnay ayaa jidka isbaaro inoo dhigteen qaar kamid ah tuugaadii goobta waxayna dhaheen atiriishada halasoo dajiyo Sawir Selfie ayaa la galeena majirin maalin iiga cabsi badned maalinkaas.

Waa mooryaan hubeysan oo aniga inaan gaariga kasoo dago igu amrayaan balse Director-ka ayaa si adag ii difaacay oo xitaa isaga ayee dili lahaayen hase yeeshe meesha ayaa deegaankiisa hore ahaan jiray weyna is afgarteen ugu dambeyn si nabad ah ayaana ku imkd Hotel-keyga.

Kapil: Waligaa atoore shumis mala wadaagtay adigoo basal badan soo cunay?

Kangana: jawaabtu waa haa wey dhacday hada kahor balse ma doonaayo Filimka iyo atoorahaba inaan shaaciyo.

Kapil: Markaa suuliga ama musqusha kujirto ma heestaa?

Kangana: maanta diyaar ma ahi mooyee halkaan ayaa ku heesi lahaa oo waxaan kuu cadeyn lahaa inaa fanaanad ama heesaa weyn ahay xiliga rabana heeso musqul iyo meeshaa doonaba.

Kapil: Bollywoodka maku jiraa qof sidaada oo kale u waalan oo dagaal badan?

Kangana: Waa run inaan waalanahay laakiin waalidii qacda ahed maad kawadaa Kapil (kadib Kapil iyo dadkii kale wey qosleen) sido kale waan dagaal badanahay waana ogtahay qof sabab la’aan in aynan isku dhicin marka hadii dabeecadeyda ookale qof leh uu Bollywoodka kujiro waa Ekta Kapoor (Tusshar Kapoor walaashiis).

Kapil: Waligaa jaceyl ma uqaaday macalinkaada waagii aad iskuulka dhiganeysay?

Kangana: Haa waliba waa qiso jaceyl aan waligey ilaawi doonin.

Kapil: waaw beri waxaad joornaalada ka akhrisan doontaa qodobada ugu horeyaan warka ah”Kangana ayaa jeclaatay macalinkeeda.”

Kangana oo qosleysa: maxaa dhacay aniga miyaa u horeya qof macalinkiisa jeclaado Ragg iyo Dumar waa lasoo wada maray in macalimiinta la jeclaado maxaa dadka ugusii iftiimine inee sheekadan maqaal kusoo qaataan kkkkkk.

Kapil: waa run dadko dhan wey soo mareen oo anigaba gabar macalimad Computer ii ah ayaa hada kahor jeclaaday maalinta jaceylkeyga u bandhigtayna dhirbaaxo ayee igu dhufatay kkkkkk fasalkana wey iga burisay ama iga erisay balse adiga warkaada waa la buun buunina sababto ah atiriisho caan ah ayaa tahay.

Kapil: Kangana hadii aan xaasle ahaan lahen waxaan kuuso bandhigan lahaa aroos iyo inaa is guursano ma iga aqbali laheed?

Kangana suaashan kama aysan jawaabin qosol aawgiis xili martida kalena ay wada qosleen dhamaad halkaas ayuu kudhamaaday wareysiga Ranaut hadii aad ka hesheen wareysiga Kapil Sharma fikirkaada nala wadaag waan soo badineena xalqadihiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here