Wargeska caanka ah ee billaha ah GQ kana soo baxo magaalada New York wuxuu diirada saaraa Fashion-ka, Style-ka, naqshadeynta, dhaqanka, fanka, ciyaaraha, tiknoolajiyada, arimaha bulshada iyo waxyaabo kale oo ragga u gaar ah ayuu ka hadlaa wuxuuna adeegan hayaa tan iyo sanadii 1931.

Haddaba wargeska GQ bishan waxay diirada daareen Bollywood Superstar Akshay Kumar oo ay ka hadleen daqliga guud soo galay 12-bilood ugu dambeesay, lacagaha aflaanta uu ku sameeyo, shirkadaha uu xayeysiimaha u sameeyo iyo shirkadaha asiga uu iska leeyahay ee aflaanta maal galiyaan.

Daqliga Kumar Soo Galay 12-bilood ugu dambeesay: Akshay Kumar waa atooraha 4-aad ee caalamka ugu daqliga badan 12-bilood ugu dambeesay sida shabakada Forbes shaaca ka qaaday wuxuuna kasbaday 500 Crore ($65m). Sidoo kale halkii filim wuxuu ku sameeyaa qiimo u dhaxeeyo 35 Crore ilaa 75 Crore ($4.61m – $9.88m) waxaana usii dheer daqliga kasoo galay shirkadaha aflaantiisa maal galiyaan iyo xayeysiimaha uu sameeyay 12-bilod ugu dambeesay.

Daqliga Akshay 12-bilood ugu dambeesay 3-meelood ayuu kasoo galay:

1. Aflaanta: Sanad walbo sedex ama afar filim ayuu sameeyaa waxayna 2019 filimadiisa soo xareeyeen gudaha Hindiya oo kaliya 700 Crore ($92m) iyo ka badan lacagta nadiifka ah asigoo afar filim sameeyay. Sidoo kale 2019 oo kaliya Kumar wuxuu saxiixday 9-filim oo qaarkood la daawaday qaar kalena weli soo bixin weliba halkii filim inuu 54 Crore ($7.11m) ku sameeyo ayuu ku saxiixay sida Forbes ogaatay halka aflaanta qaarkoodna uu faa’iido wadaag ku sameeyo filimada uu maal galinaayo ayay u badan yihiin kuwa faa’iida wadaag ku sameeyo wuxuuna markaas qaataa ama qaadan doonaa 50% iyo ka badan faa’iidada filimadaas laga helo.

2. Xayeysiimaha uu sameeyo daliga kasoo galo: Sida ay shaaca ka qaaday shirkada caalamiga ah Duff & Phelps ee qaabilsan qiimeynta iy dabagalka dadka caanka ah daqliga dhanka xayeysiimaha kasoo galo waxay si rasmi ah warbixinteedii sanadlaha ugu dambeesay 2019 ku sheegtay in Akshay Kumar 2019 dhanka xayeysiimaha uu sameeyo ka kasbaday $742 Crore ($104.5m) waxayna xayeysiimahan isugu jiraan kuwo wargesyada lagu soo dabaaco, TV-yada laga daawado iyo kuwo baraha bulshada laga daawado iyo Internet-ka lagu soo bandhigo. Sida ay shabakada Financial Express sheegtay in Akshay maalin walbo 2 Crore ilaa 3 Crore ($263k – $395k) daqli ah dhanka xayeysiimaha kasoo galo. Haatana Akshay Kumar wuxuu gacanta ku heestaa 30-shirkadood oo caalami ah oo uu xayeysiimo kala duwan u sameeyo.

3. Shirkadaha Aflaanta Maal Galiyaan Kumar iska leeyahay: Akshay barta sedexaad daqliga kasoo galay 12-bilood ugu dambeesay waa labada shirkad ee filimada maal galiyaan isaga iska leeyahay ee lagu kala magacaabo Hari Om Entertainment iyo Grazing Goat Pictures waxayna maal galiyaan filimo kala duwan oo u badan kuwa isaga hogaamiye ka yahay waxayna labadan shirkad sameeyaan daqliga fara badan oo Kumar jeebkiisa ku dhacaan sanad walbo.

Waa Maxay Qiimaha Akshay Kumar Uu Leeyahay (Bradn Value) Magaciisa Oo Kaliya: Sida GQ ogaatay Akshay Kumar qiimaha magaciisa uu leeyahay (Brand Value) waa 742 Crore ($97.77m) micnaha ma ahan daqliga Kumar heesto ee waxaa laga wadaa sumcada dhaqaale ee Kumar abuurtay madaama aflaantiisa daqli badan sameeyaan, shirkado badan wax u xayeysiiyo sidoo kalena shirkado aflaanta maal galiyo iska leeyahay magaca Akshay Kumar oo kaliya ayaa qiimo ahaan ku fadhiyo ku dhawaad $98m haddii la damco in la iibsado. Qiimaha Kumar sarena waa u kici karaa magac ahaan hoosna waa u dhici karaa waxay ku xiran tahay hadba qofka xaalada uu ku sugan yahay sumcad ahaan iyo sida uu dhaqaalaha u abuurayo ama saameynta ugu leeyahay wax soo saarka goobta uu ka tirsan yahay.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here