Dabbang 3 waxa uu noqday filimka looga hadal-haynta badan sanadkan maadaama uu hogaamiye ka yahay aktarka ugu awoodda badan Bollywoodka waana Salman Khan

haddaba goor dhow waxaa filimkaas laga soo bandhigay heesta shidan lagu magacaabo Munna Badnaam Hua’ taaso si weyn u qabsatay baraha bulshada waxaana heeskan shidan kasoo wada muuqdayn Warina Hussain, Salman Khan iyo Prabhudeva

laakiin atariishada Warina Hussain oo muuqaalka heestaas ku lahayd filimkaasn ayaa waxa ay la yaabtay qoobka cayaarka Salman Khan iyo Prabhudeva weliba waxa ay sheegtay inta heesta la duubaayay inay ka mid noqotay daawadayaasha maadaama ay mid ay la yaabtay wacdaraha iyo isfahamka Salman Khan iyo Prabhudeva

heeska Munna Badnaam Hua’ waxaa hadda si weyn u haysata baraha bulshada waxaana heeskan ay kor u qaaday hadal-haynta filimkan sidoo kale waxaa filimkan qayb ka ah Sonakshi sinha iyo Sudeep

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here