Warkii hore war soo dhaaf garoomada kooxaha EPL oo loo badali doono xarumo lagula tacaalo dadka la xanuunsan caabuqa Corona Virus.

0
660

Sida ay qortay majalda Dail Mail waxaa socdo qorshe lagu doonayo in garoomada kooxaha qaar ee horyaalka EPL loo badalo xarumo caafimaad kuwaasoo lagula tacaali doono dadka u xanuunsan Viruska dilaaga ah ee Covid19.

Caabuqa Corona ayaa si ba’an ugu faafay qaarada yurub waxaana wadamada uu saameynta weyn ku yeeshay kamid ah UK ayadoo haatan isbitaaladii buux dhaafiyeen lana la’yahay goobo dadka xanuunsan la seexiyo.

Shabakada Daily Mail ayaa ku warameyso in hey’adaha caafimaadka iyo qaar kamid ah kooxaha ugu waaweyn EPL uu u socdo wadahadal la xiriira sidii garoomadooda loogu badali lahaa xaruumo caafimaad mudada uu socdo Viruskaan ayadoona wadahadaladaas meel wanaagsan marayaan waxaana kooxahaas ugu horeyso kooxda Manchester United.

Tani ayaa imaaneyso kadib markii taag loo waayay Viruska Corona kaasoo ilaa haatan wali la helin daawadiisa iyo talaalkiisaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here