Waxaa shalay gelinkii dambe soo baxday xan cusub oo sheegeysa in qeyb labaad laga sameynaayo Filimka WAR ee Blockbuster-ka weyn noqday sanadkii hore misane ay wada hogaamiyeen Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff halka Vaani Kapoor atiriisho ka ahed inkastoo doorkeeda iska yaraa.

Arinka xiisaha leh waxuu yahay waxaa ladhahay WAR2 waxaa hogaamin doonaan labada Superstar Salman Khan iyo Shah Rukh Khan halka ay la hogaamin doonaan atiriishooyina ka noqon doonaa Deepika Padukone iyo Katirna Kaif oo waqtigaan kamid ah afarta atiriisho ugu awooda badan.

Sheekadan waa xanta saxaafada soo heshay waxaana laga helay dad ka akdhow shirkada Yash Raj Filims oo qorshahan wado goordhowna in lagu dhawaaqi doono ayaa la filaa hadaba hadii lagu dhawaaqo taariikh ayaa soo socoto.

Salman iyo SRK ayaa si toos ah filim u wada jilayaan 18 sano ilaa 20 sano kadib sido kale markii ugu horeysay ayee filim wada hogaamin doonaan labada atiriisho isnecbanaan jireen Deepika iyo Katrina sheeko xiiso leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here