Inta badan wey adag tahay in Director ama filim sameeye mashruuciisa kowaad ganacsi ahaan guuleesto sidoo kalena fariinta uu sameeyay amaan balaaran iyo abaal marino ku helo madaama ay tahay shaqadiisa kowaad balse waxaan idiin heynaa 9-Director oo 25-ka sano ugu dambeeyay fanka Hindiya filimkoodii kowaad magac iyo maamuus weyn ku yeesheen:

1. Karan Johar wuxuu mansab iyo maamuus weyn ku yeeshay filimkiisii kowaad uu sameeyay Kuch Kuch Hota Hai (1998) kaasi oo All Time Blockbuster noqday waxaana hogaamiyaal ka ahaayeen SRK, Kajol iyo Rani Mukerji.

2. Sooraj Bartajya: wuxuu Hindiya ku qabsaday filimkiisii kowaad Maine Pyar Kiya (1989) kaasi oo All Time Blockbuster noqday waxaana hogaamiye ka ahaa Salman Khan.

3. Aditya Chopra: ilaa maantadan magaciisa waxaa waxaa ka caansan filimkiisii kowaad Dilwale Dulhania Le Jayenge (1995) kaasi oo All Time Blockbuster noqday laguna tilmaamo filim jaceyl midka ugu wanaagsan ebid Hindiya sameeyeen waxaana wada jilaan SRK iyo Kajol.

4. Farhan Akhtar: Asigoo dhalinyar wuxuu sameeyay filim reer magaalka loogu tala galay midkiisa ugu tayada wanaagsan oo Classic ah filim kale ma ahan waa Dil Chahta Hai (2001) oo ay wada jileen Aamir Khan, Saif Ali Khan, Akshaye Khanna iyo Preity Zinta.

5. Rajkumar Hirani: waxaa lagu tilmaamaa caqliga Bollywood-ka madaama uu sameeyo aflaan fariimo waaqici ah oo bulshada taabanayaan wuxuuna dadka isku baray filimkii lala cajabay fariintiisa HIT-ka weyna noqday Munnabhai MBBS (2003).

6. Aamir Khan: Inaba caadi ma ahan sida uu u agaasimay sheekadii filimka Taare Zameen Par (2007) ee Super Hit-ka weyn noqday ilaa maantadan waxaa Aamir laga baryaa markale inuu Director noqdo.

7. Prabhu Deva: boqorka Dance-ga xirfadiisa filim sameeyenimo kuma qasaarin isku daygiisa kowaad wuxuu ka dhaxlay HIT weyn oo ilaa iminka laga sheekeeyo waana filimkii Wanted (2009) inuu dadka isku baray waxaana mashruucan hogaamiye ka ahaa Salman Khan.

8. Abhinav Kashyap: filimkiisii kowaad Dabangg (2010) wuxuu noqday Blockbuster taariikhi ah oo Salman Khan awood balaaran ka dhaxlay waana mashruuc filim sameeyahan waligiis lagu xasuusan doono.

9. Sajid Nadiadwala: filim soo saarahan caanka ah wuxuu noqday Director markiisii kowaad wuxuuna ka dhaxlay magac balaaran madaama filimkiisii kowaad Kick (2014) Blockbuster weyn noqday waxaana hogaamiye ka ahaa Salman Khan haatana Kick 2 ayaa la wada sugayaa sida Sajid u agaasimi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here