Home » Box Office » Wax ka baro atirishooyinka Koonfur Hindiya lacagaha ugu badan ku sameeyaan Anushka Shetty, Nayanthara, Samantha Ruth Prabhu, Trisha

Wax ka baro atirishooyinka Koonfur Hindiya lacagaha ugu badan ku sameeyaan Anushka Shetty, Nayanthara, Samantha Ruth Prabhu, Trisha

Fanka Koonfurta Hindiya wuxuu sameenayaa sare u kac joogto ah sidoo kalena isbadal ayaa ku yimid nidaamka awooda Koonfurta madaama hada daawadayaasha bilaabeen inay aqbalaan daawadayaasha filimada atirishooyinka hogaamiye ka yihiin.

Inta badan xeerka Koonfurta wuxuu ahaan jiray awooda atooraha in la wada siiyo halka atirishooyinka filimada door kooban ku yeeshaan.

Laakiin atirishooyin awood leh ayaa hada soo baxeen oo xitaa atoorayaasha caanka ah caawiyaal u noqonayaan filimada ay hogaamiyaha ka yihiin waxaana atirishooyinka ugu awood badan Anushka Shetty.

Anushka Shetty awoodeeda waxay kusii xajisatay kadib markii filimkeedii ugu dambeeyay Bhaagamathie Super Hit noqday iyadana hogaamiye kowaad ka ahayd.

Sidoo kale atirishada Nayanthara iyadana waxay soo wadaa filim Aramm oo ay hogaamiye ka tahay taasi oo muujineyso in fanka Koonfurta in badan is badalay.

Fadlan hoos kaga bogo atirishooyinka Koonfur Hindiya filimada lacagaha ugu badan ku sameeyaan:

Anushka Shetty: filimka ay hogaamiyaha ka tahay 4 Crore ayay ku qaadataa sameyntiisa halka filim atoore weyn kula jiro sameyntiisa 2 Crore ilaa 2.25 Crore ku qaadato.

01-Anushka-Shetty

Nayanthara:  filimka ay hogaamiyaha ka tahay 3 Crore ayay ku qaadataa sameyntiisa halka filim atoore weyn kula jiro sameyntiisa 1 Crore ilaa 1.50 Crore ku qaadato.

02-Nayantara

Samantha Ruth Prabhu: Halkii filim sameyntiisa waxay ku qaadataa 1 Crore ilaa 1.25 Crore balse waa qasab in sicirkeeda suuqa sare u qaadi doonto madaama labadeedii filim ugu dambeeyeen Raju Gari Gadhi 2 iyo Mersal Boxoffice-ka ganacsi wacan ka sameeyeen.

03-Samantha

Trisha: Inka badan 15-sano ayay fanka Koonfurta ka tirsan tahay waxayna halkii filim sameyntiisa ku qaadataa 95 Lakh ilaa 90 Lakh.

04-Trisha

Tamannaah Bhatia: xidigtaan caanka ah halkii filim sameyntiisa waxay ku qaadataa 75 Lakh ilaa 90 Lakh waloow filimkeedii ugu dambeeyay Sketch oo ay Vikram la sameeyay Flop ka noqday hadana waxay soo wadaa filimka Queen ee Hindiga ah asigoo dib loo sameenayo.

05-Tamannaah

Kajal Aggarwal: quruxleydan sanadkii hore ayay u dabaal dagtay 10-sano oo ay fanka Koonfurta ka tirsan tahay sidoo kalena sanadkii hore labo filim Big Hits noqdeen ayay kasoo muuqatay Khaidi No 150 iyo Mersal.

06-Kajal-Agarwal

Laakiin Kajal sidii hore uma dar dar badno waxayna halkii filim sameyntiisa ku qaadataa 75 Lakh ilaa 80 Lakh lacago u dhaxeeyo.

F.G: Warbixintaan Shabakada Bollywood Life Ayaan Kasoo Xiganay…..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *