Ha iska daawanin filimada qaar ee ahmiyad gaar ah sii waxaad ka dhex heli kartaa hal ama labo tilmaan oo aad jaceylkaaga kusoo jiidan kartid nolosha caadiga ahna lagu dabaqi karo:

Varun Dhawan iyo Alia Bhatt, Humpty Sharma Ki Dulhania: saaxiibtaa ama jaceylkaaga oo cilaan u saaran inaa caawin kartid ayaa la rabaa oo aadan ka xishoonin waa waxyaabaha sahlan ee hadana jaceylkaada qalbiga kaga xadi kartid.

Kangana Ranaut iyo Imran Khan Katti Batti: la cayaar lamaankaaga ama lamaantaada si naxariis ku dheehan hadii uu shaqo kooban xitaa aqalka ku heesto gaar ahaan firaashka marka la joogo waxaa ka dhalan karo isku soo dhawaansho idinka maqnaa.

Juhi Chawla iyo SRK Darr: isku day jaceylkaa inaad qalbiga ka xadi kartid xiliyada aad dalxiiska ku jirtiin waxaad dalxiiska uga dhigtaa dhacdo lasoo wareego inaysan ahayn balse ay tahay dhacdo farxada lagu soo ceshto.

Katrina Kaif iyo Hrithik, Bang Bang: isku day mararka qaar jaceylkaaga inaad Six Pack ama murqaha caloosha kusoo jiidan kartid waa marka ay iyadana isku daydo inay quruxdeeda kugu sarqaamiso!

Rekha iyo Amita Bachchan, Silsila: Maxaa diidayo jaceylkaada inaad meel doog ah waqti kula qadaatid waxay ka caawin kartaa codsi walbo oo aad soo jeedisid in lagaa aqbalo xiliyada daganaanshaha aad heesatiin.

Sonam Kapoor iyo Salman Khan, Prem Ratan Dhan Paayo: ka dhigo inuu kaa aqbalo codsiyaada ku aadan labiska aad u baahan tahay weliba safar dheer xitaa u dir jaceylkaaga si uu hadiyad kuugu keeno, marwalbo oo aad jaceylkeeda dalabkiisa aqbashid xitaa haku badnaado is fahan dheeraad ah ayaa laga dhaxlaa.

Hema Malini iyo Dharmendra, Sholay: Jaceylkaaga naftaada u hur marka uu halis ku jiro midaas waxay sababi kartaa in waligiis ama waligeed ku jeclaato madaama xiliga dhibaatada jirto aad garab is taagtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here