Wax ka ogaaw 15-ka filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen ee atirishooyin hogaamiye ka yihiin

Alia Bhatt filimkeeda Raazi ayaa dood la’aan kaalinta labaad ka galay 15-ka filim ee atirishooyin hogaamiye ka yihiin kuwaas oo lacagaha ugu badan Boxoffice-ka kasoo xareeyeen.

Raazi ayaa soo xareeyay 84.50 Crore mudo 12-maalmood ah waxaana muuqato filimkaan in 125 Crore qiyaas ahaan ganacsigiisa cimri ahaan gaari doono.

Kangana Ranaut filimkeeda Tanu Weds Manu Returns ayaa ah midka lacagaha ugu badan soo xareeyo ee atirisho hogaamiye ka tahay wuxuuna keenay 148.84 Crore (Trade Figure) balse filimkaan waxaa siweyn ganacsigiisa u caawiyay inuu qayb hore lahaa oo Hit noqotay markii hore.

Ku dhawaad 17-filim ilaa 18-filim oo atirishooyin hogaamiye ka yihiin ayaa 30 Crore iyo ka badan Boxoffice-ka kasoo xareeyeen.

Haatana Raazi ayaa wax weyn ka badalay aragtida laga qabay in atirishooyinka filim gadi karaan balse weli culeeska wuu jiraa marka loo eego Tanu Weds Manu Returns iyo Raazi oo ah labada filim 100 Crore gaareen atirisho hogaamiye ka yihiin in sedex sano waqti ahaan u dhaxeesay lana waayay filim kale oo 100 Crore gaaro atirisho hogaamiye ka tahay.

Halka culees ee heesto filimada atirishooyinka hogaamiye ka yihiin ayaa ah in fagta hore aysan daawadayaasha soo jiidan karin balse gadaal ka gadmaan marka sheekada filimka la isku shee sheego inay wanaagsan tahay.

Ilaa haatan ma jiro filim atirisho hogaamiye ka tahay oo maalinta kowaad 10 Crore ganacsi ahaan ku furmay waana xujo weli hortaalo atirishooyinka Bollywood-ka.

Fadlan hoos kaga bogo 15-ka filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen sidoo kalena atirishooyin hogaamiye ka yihiin:

. Tanu Weds Manu Returns – 148.84 Crore (Blockbuster)

2. Raazi – 84.50 (12-maalmood) (Super Hit/Blockbuster)

3. Neerja – 71.76 Crore (Hit

4. Queen – 61.47 Crore (Hit)

5. Mary Kom – 61.43 Crore (Semi Hit

6. Kahaani – 57,85 Crore (Hit)

7. Ragini MMS 2 – 46.56 Crore (Hit)

9. Hichki – 46.20 Crore (Hit)

10. English Vinglish – 38.92 Crore (Semi Hit)

11. Tanu Weds Manu  – 38.52 Crore (Hit)

12. Mardaani – 35.83 Crore (Semi Hit)

13. Jism 2 – 35.19 Crore (Semi Hit)

14. Heroine – 33.82 Crore (Below Average)

15. Tumhari Sulu – 32.99 Crore (Average)

F.G: Filimada Cocktail iyo The Dirty Picture laguma xisaabin karo aflaan atirisho kaligeed hogaamiye ka tahay waayo doorar caawiye ah waxaa ku leh atoorayaal xiligoodii awood lahaayeen kuwaas oo qayb ka ahaayeen ganacsigii heerka sare ahaa ee labadaan filim sameeyeen.

Sidoo kale Dear Zindagi iyo Secret Superstar waa filim atirishooyin hogaamiye ka yihiin balse ganacsigooda waxaa caawiyeen muuqaalada martida ah ee la fidiyay oo ay ku lahaayeen labada Superstar Shah Rukh Khan iyo Aamir Khan.

Sidaas darteed ayay filimadaas kusoo gali waayeen liiska 15-ka filim ee atirishooyin hogaamiye ka yihiin kuwooda lacagaha ugu badan soo xareeyeen madaama saameyn ay ku lahaayeen ganacsigooda atoorayaal awood leh ama lahaan jireen.